Xusuustayda dugsiga sarre ee Faarax Oomaar (WQ: Khadar Cabdilahi-Qabile)

Marka hore aan uga mahad celiyo kooxda booqashada ku tagtay dugsiga Sarre ee Faarax Oomaar ee magalada Hargaysa si ay u dhiiri geliyaan maamulaha cusub ee dugsiga Sarre ee Faarax Oomaar Guuleed Yuusuf Iidaan (Guuleed Goohe) iyo ardayda dugsigaas dhigata iyagoo ku beegay booqashadooda maalintii koowaad ee sannad-dugsiyeedka cusub, mar labaad way mahadsan yihiin kooxdan Qoraa sarre Mustafe Maxamed Khayre, Badhasaab-Xigeenka gobolka Maroodi-jeex Khadar Barud oo isagu ahaa qaban qaabiyihii, Cabdicasiis Xawaash iyo Soheir Xassan.

Aan dib ugu noqdo xusuusta dugsiga sarre ee Faarax Oomaar Mustafe Maxamed Khayre wuxuu ka mid ahaa lodkii kowaad ee ka baxa fasalada sideedaad ee dugsiga dhexe isla markaana noqday ardaydii ugu horaysay ee ka bilawda fasalada kowaad (Form One) Somaliland waana lodkii ugu horeeyay ka baxa dugsiga sare ee jamhuuriyada Somaliland.
Waxaan filayaa in ay bishii October 1996 kii markii ay galeen dugsiga sare gaar ahaan magalada hargaysa.

Waxay ahaayeen ardaydii ka soo baxday fasalada 8aad afartii dugsi ee Axmed Gurey, Sheekh Bashir, 31 May iyo Biyo dhacayga hoose. Hadii aan is yar dul taago ardaydii dugsiga hoose/dhexe ee Axmed Gurey ka baxday oo aniga laftigaygu aan ka mid ahaa ardaydii sanadkaas noqtay fasalka 7aad horana u ahaa fasalka 6aad , maalintaa ardaydii ka baxday fasalka 8aad Waxay nagu ahayd wax cusub, Waxay ahayd sheeko oo kale oo iskugu jirta xiiso iyo cabsi , waxa xiiso lahaa dugsiga sare ee ay u gudbeen , balcad ka duwan tii dugsiga hoose/dhexe.
Wax yaabaha ardayda cabsi cabsi ku ahaa imtixaanada oo looga qaadayay qaab ka duwan kii ay awal ku gali jireen dugsigooda macalinkooduna ka qaadi jiray , waxa qaab yara cabsiya lahaa wasarada waxbarashada ayaa imtixaanada idinka qaadaysa , laga bilaabo fasalkii 1aad ilaa fasalka 8aad wixii aad dhigtay ayaa laga rabaa, maxaad u malayn imtixaanada hada oo markii ugu horaysay la bilaabay aad la kulmi lahayd.

Aan ku noqdo ardaydii maalintaas ka baxday dugsiga Axmed Gurey waxaan ka sii xasuustaa Maxamed Xasan, Khadar Aden Diriye (Khadar Gurey), Foosi Cali Yuusuf, Maxamed Cali Yuusuf, Cabdirisaq Maxamud Ubaxle, Xusto, Cabdiraxman, Cali Xasan.
Aan ku noqdo xusuusta Faarax Oomaar, Maamulaha Cusub ee booqashada loogu tagay wuxuu isna ahaa lodkii labaad ee galay dugsiga 1997 kii inkastoo uu ka mid ahaa ardaydii loo badaley dugsiga sare ee 26 June sidaasna uu uga mid noqonayo lodkii kowaad ee ka baxay dugsiga sare ee 26 June ahna lodkii labaad ee ka baxa dugsiyada sare Somalilnad.
Markaygii aan xusuusta dugsiga Faarax Oomaar, waxay ahayd 12 bishii September 1998 kii markii galin danbe aanu ka bilawnay fasalka kowaad ee dugsiga sare isla dugsigan Faarax Oomaar waxaanu ahayn arday aad u badan marka loo eego labadii fasal ee naga sareeyay balse aad u yaraa marka la barbar dhigo lodadkii naga danbeeyay.

Waxaanu ka soo baxnay sideed dugsi hoose/dhexe oo ku yaalay magalada Hargaysa ka bilaw kaayagii Axmed Gurey, Sheekh Bashiir, Xuseen Giire (Sh.Madar) , Riis (Sh.Cali Cismaan), Biyo-Dhacayga Hoose, Biyo-Dhacayga Sare (Sh.Cali Ibraahim), 31 May (Ex Dhalinta) iyo Gamco-Dheere ( Ex 12 April).
Waxa naloo qaybiyay sideed fasal oo fasal kastaa ka koobnaa sideedaa dugsi, dugsi kasta shan ilaa lix arday, waxaanu noqonay 1 A, 1B, 1C, 1D, 1E, 1F, 1G & 1H. Waxaan ka mid noqday ardaydii fasalkii 1B.
Waxa maamule noo noqday Cali Cabdi Jiciir.
Hadaba Markii aanu dhiganay sanad badhkii waxa naloo badaley Dugsiga sare ee 26 June, oo mudadaa aanu galinka danbe dhiganaynay faarax oomaar la dhisay, shan fasal oo form one iyo laba fasal oo Form Two ahaa, fasalada form one ee nasiibka u helay in loo badalo 26 June waxay ahaayeen 1A, 1B, 1C, 1E, 1G oo Markii 26 June tagnay noqday 1A, 1B, 1C, 1D & 1E oo mar danbe la baabiiyay.