Yaa burburiyay Soomaaliya? (W.Q. Nuur Xaaji Xiiray)

 

 

 

 

 

 

 

Yaa burburiyay Soomaaliya? Waa su’aal aad u adag in laga jawaabo oo u baahan in baadhitaan la sameeyo laakiin bal aan aragtidayda gaaban isku dayo in aan wax ka ka idhaah sida qaladku u dhacay si aan isla qaladkii mar labaad u soo noqon.

Haddii aad arrin doonayso inaad ogaato waa inaad ogaato halka ay ka billaabantay, waa in aanad ku mashquulin acraada (symptoms). Tusaale ahaan haddii cudurka TB uu kugu  dhaco acraada uu leeyahay waxa ka mid ah, qufac iwm. Halkii aad cudurka ka dawayn lahayd haddii aad ku mashquusho acraada ka waran? Dawee cudurka acraadu way iska tagi doontaaye.

Dadku waxay ku odhanayaan dulmigii woqooyi ku dhacay ayaa sabab u  ahaa burburkii Soomaaliya, qaar waxay odhanayaa musuqmaasuq, qaar waxay odhanayaan inqilaabkii iwm.

Anigu waxaan u arkaa waxaas oo dhan acraadii, laakiin eedda ugu wayn waxaan saarayaa heshiiskii lala galay Soomaaliya, kaas oo aan u arko inuu ahaa sababtii koowaad ee burburkan dhalisay, heshiiskaas oo wax walba Koonfur siiyay.

Dad badan oo wax-garad ah oo aan waydiiyay sababta heshiiska caynkaas ah loo galay midba wax buu iigu jawaabay. Qaar waxay yidhaahdeen Itoobiya ayaa laga baqayey in ay ina qabsato, qaar kale waxay yidhaahdeen dhexdeena ayaa laga cabsanaayey in ay wax ka dhacaan sababtaas ayaana xornimadii loogu tuuray Koonfur.

Anigu waxaas oo dhan waxaan u arkaa “scapegoat.” Scapegoat macnaheedu waxa weeye dhibta ku haysata oo aad cid kale ku eedayso marka aad xallin kari waydo.

Iyaga oo unkay heshiiskan sababay in aanay Soomaali waligeed dib isugu iman mustaqbalka fog ayay haddana casaabadii heshiiskan saxeexday sheegayeen in ay raadinayeen shantii Soomaaliyeed, saddexdii Soomaaliyeed ee kalena lahaayeen ku soo hirta.

Waliba  heshiiskani u kas ayuu ahaa. Muu ahayn ilduuf ee qorshe ayuu ahaa loogu talogaly in uu mustaqbalka fog burbur keeno.

Nin ka soo baxay kulan Carbeed ayaa la weydiiyey “maxaa lagu heshiiyey?” Wuxu yidhi “Carabi waxay ku heshiisay in aanay waligeed heshiin.”

Soomaalida ayaa ku maahmaada “dabkii baxaya ayaa dab lagu qabsadaa.” Waxaa iska hubaal ah guri haddii uu seesku ka xumaado in uu dumayo. Qof wal oo  caqli leh taas wuu garanayaa.  Soomaaliya seeska oo ka xumaaday ayaa dumiyay.

Waxa kale oo aan bayaaminayaa cisaabadii  seeskaa xun dhigtay markii hore ayaa imikana indho kuu ah. Miyaad umalayn in ay hadh kuu jiidi? Ha sugin. Waa habeenkii xalay ahaa ee tagay.  Imikana intaas oo mushkiladood ayay kuu abuureen si ay mustaqbalka fog kuugu qarxaan.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com