Yaa doorashada madaxtooyada guullaysan kara? W/Q:(Guleed Axmed Jaamac “Dafac “)

Tartamayaasha doorashada madaxtooyada waxa u furan mid kasta wado uu guul ku gaadhi karo. Aragtidani waxa ay ku sallaysan tahay doorashadii 2017. Marin sadexaad iima muuqdo.

Marinka Kulmiye guusha ku gaadhi karo.

1. Inuu codka gobolada barigu is goosto oo Waddani kala yimaaddo bariga dheeraad aan aad u badnayn.
2. Inuu codka gobolka Awdal is goosto oo xisbina ka helin tiro badan oo dheeraad ah.
3. In codka Maroodijeex iyo Saaxil ee Kulmiye helo uu dheeraado Waddani tiro aad u badan.

Saddexdaas arimood haddii ay isla hal mar dhacaan, waxa guullaysan kara Kulmiye.

Marinka Waddani guusha ku gaadhi karo.

1. Inuu codka gobolada bariga ee Waddani dheeraado Kulmiye tiro aad u badan.
2. In codka Maroodijeex iyo Saaxil ee kulmiye uu waddani dheeraado tiro aan aad u badnayn.

Labadaas arimood haddii ay isla hal mar dhacaan, waxa guullaysan kara Waddani.

Awdal factor:

Awdal haddii ay u codayso sidii 2017, saamayn kuma yeelan karayso natiijada cidda guulaysanaysa. Si ay u yeelato saamayn waa in codka Awdal uu badankiisu dhinac wada raaco. Waxa ay u badan tahay in istiraajiyadda Kulmiye tahay in codka Awdal noqdo sidii 2017. Sidaasdarteed, Awdal shaxda sare ku xusan wax badan ayay ka bedeli kartaa.

Sida cad istiraajiyadda ay labada xisbi ka yeelan karaan bariga iyo galbeedka Somaliland way kala duwan yihiin. Kulmiye uma baahna inuu codka u badan helo bariga ee waxa uu u baahan yahay uun inaan cod badan la dheeraan (inuu cidhiidhyo). Waddani uma baahan inuu codka u badan helo galbeedka balse waxa uu u baahan yahay inuu cidhiidhyo.

Sidaas marka ay tahay, cidda guulaysanaysaa waxa ay ku xidhan tahay gobolada bariga Somaliland. Sannadkii 2017 na guusha Kulmiye waxa ay ku timi istiraajiyadda sare ku xusan. Sannadkan Kulmiye waxa uu isku dayi karaa inuu wixii uu ka waayo bariga uu ku bedesho dheeraad inuu ka helo Awdal. Waa se shaqo adag.

Kulmiye laba cadaadis ayaa haysta. Mid waxa uu ka haystaa goobihii bariga ee uu sida fudud ugu guulaysan jiray tan iyo markii la aasaasay (Maxamuud Xaashi + Laascaanood factor). Caddaadiska labaadna waxa uu ka haystaa diiwaangellintii u danbaysay oo gobolada galbeedka goobaha mucaaradka ay korodhay diiwaangellintu.

Waddani waxa cadaadis ka haystaa laba arimood. Siddii codka barigu aanu u kala qaybsamin. In codka bariga qaybsamo waxa ay dan u tahay Kulmiye. Ta labaad, waa xisbiga UCID oo codka uu helaa ka go’an yahay Waddani.

Labaduba sida ay cadaadiskaas (you could say weakness) u daboolaan waa ka qayb guushooda.

Marinka UCID guusha ku gaadhi karo.

UCID xogta laga hayo ma badna maadaama oo aannu cod badan hellin 2017. Sidaasdarteed, guushiisu waxa ay ku xidhan tahay inuu gobol walba cod 1/3 aan ka yarayn ka helo.

Lafa-gurkaygani xisaabta kuma darsan saamaynta ay leedahay xil hayntu (incumbency) oo u leh dheef iyo dhib ba murashaxa kursiga ku fadhiya. Waa dheef oo sida caadada ah nidaamka dawladeed waxa uu u adeegga murashaxa xukuumadda. Waa dhib oo dadka wax guud iyo wax gaar ah ka tirsanaya xukuumaddu codka inay ku aargoostaan ayay doonaan. Saamaynta ayse leedahay maaha mid si sahlan loo saadaallin karo mar haddii aan lahay afti qaad madax banaan (independent polling).

Sidoo kale, waxa iyana saamayn leh cidda lacagta u badan ee ay olole ku gasho ururisa (fund raising) iyo cidda hadba sida fiican u abaabulan.

Waa aragtidayda gaaban.

 

 

W/Q:(Guleed Axmed Jaamac “Dafac “)

 

bandhige@gmail.com