Xukuumadda Somaliland oo ka Walaacsan Hubka Culus ee ay Masar Siisay Muqdisho

Ficillo degdeg ah oo la qaadaa waxa ay muhiim u yihiin in aanay ballaadhan qulqulatooyinka iyo in gacanta lagu qabto xasiloonida gobolka”

 Xukuumadda oo waxa kale oo ay walaac ka muujisay in hubkaasi u gacan galo kooxaha xagjirka ah ee ay ka mid tahay Alshabaab iyo malleeshiyo beeleedyada

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa walaac ka muujisay hubka culus ee ay dhawaan dawladda Masar siisay maamulka Muqdisho, kaasi oo curyaaminaya xasiloonida mandaqada ee markii horeba ay dhibaatadu ka taagnayd.

Sidaasna waxa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda JSL, oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, waxana Xukuumadda Somaliland ay si adag uga digtay hubka culus iyo saanada millateri ee ay Masar u gudbisay maamulka Muqdisho oo aan tahli karin inay si wax ku ool ah u maamusho hubka gacanta loo geliyay. xilli ay xaaladda uga sii dari karto hubka culus ee Muqdisho la siiyay.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland waxa ay sheegtay in kooxaha kala duwan ee ka jira dalkaasi ay raadinayaan inay gacanta ku dhigaan hub ay ku ilaaliyaan maslaxadooda.

Waxa kaloo ay ku dooday inay ka walaacsan tahay hubkaasi u gacan galo kooxaha xagjirka ah ee ay ka mid tahay Alshabaab iyo malleeshiyo beeleedyada, taasina ay sii murgin doonta rebshadaha iyo xasilooni darrada gobolka.

Warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland, waxa lagu xusay inay beesha caalamka ugu baaqayso inay qaadaan tasllaabooyin lagaga hortagayo walaacyada ka dhashay hubkaas. Waxana ay intaas ku dartay in tallaabooyinka ka hortaga ahi ay muhiim u yihiin oo lagaga baaqsan karo inay xadhkaha goosato colaadu, waxa kaloo ay u wanaagsan tahay ilaalinta iyo xoojinta xasilooda mandaqada.

Xukuumadda JSL waxa ay iftiimisay in ay ka go’an tahay xoojinta nabada, waxaanay ku boorisay dhinacyada ay khusayso oo dhammi ay masuuliyadooda ka gutaan inta aanay xaaladdu gaadhi heer aan waxba laga qaban karin.

“Ficillo degdeg ah oo la qaadaa waxa ay muhiim u yihiin in aanay ballaadhan qulqulatooyinka iyo in gacanta lagu qabto xasiloonida gobolka ee aan cagaha adag ku taagnayn.

Haddaba, iyada oo khatarahaas la og yahay, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay baaq u dirtay beesha caalamka, si ay u qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo firfircoon, si wax looga qabto waxyaalahan soo koraya.” ” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaasi lagu daray “Tallaabooyin ka hortag ah ayaa muhiim u ah ka fogaanshaha xiisadaha sii xumaanaya, colaadaha iyo dhiigga daadanaya iyo in la ilaaliyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo nabadda iyo amniga gobolka. Saameyntu aad bay u sarraysaa waxqabad la’aanta.

Xukuumadda Somaliland waxa ay weli ku adkaysanaysaa in ay nabad, xasillooni iyo wada-hadal wax ku ool ah u abuurto, waxaanay u soo jeedinaysaa cid kasta oo mas’uul ka ah inay wax ka qabtaan dambiyadan sii kordhaya inta aanay faraha ka bixin. Tallaabo degdeg ah ayaa lagama maarmaan u ah in la baajiyo is-kahorimaad ballaadhan si loo ilaaliyo xasilloonida jilicsan ee gobolka.”

 

 

xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com