Xukuumadda Somaliland oo Dhul ku Wareejisay Ururka Bahda Geerashyada Maroodi-jeex

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa dhul dan guud ah ku wareejisay ururka Geerashlayaasha, farsamada birta iyo gaadiidka gobolka Maroodi-jeex, kaasi oo uu horey ugu ballan qaaday Madaxwaynaha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bille ayaa shalay Ururka Bah-wadaagta Geerashyadda, farsamadda Birta iyo gaadiidka ee gobolka Maroodijeex ku wareejisay dhul dan guud ah kaas oo dhan 32 Baloog.

Dhulkan oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi hore ugu balan qaaday Ururka Bah-wadaagta Geerashyadda, Farsamadda Birta iyo Gaadiidka.

Munaasibadda kooban oo ka qabsoontey xarunta dhexe ee wasaaradda hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, ayaa waxa halkaas si rasmi ah loogu wareejiyey Dhulkii ay Wasaaraddu ugu talo-gashay Ururka Bah-wadaagta Geerashyadda, Farsamadda Birta iyo Gaadiidka.

Xubno ku hadlayey afka Bah-wadaagta Geerashleyda ayaa ugu mahadnaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiinta Wasaaraddaha Hawlaha Guud, Dhulka ay ku wareejiyeen.

Sidoo kale waxa qayb ka ahaa wareejita dhulkaas gudoomiyaha degmada daarasalaam ee gobalka maroodi jeex oo ka hadlay mar xaladihii ay soo martay in dhul lasiiyo ururka geerashyada.

Ugu danbayn waaxda dhulka ee wasaaradda hawlaha guud ayaa iyadu ka soo shaqeysay diyaarinta dhulkan, waxaana masuuliyiinta wasaarada sidoo kale ku bogaadiyey dhulkaas Baaxadda leh ee ay ku wareejisay Bah-wadaagta Geerashleyda, Farsamadda Birta iyo Gaadiidka Maamulka Degmadda Daarusalaam ee Gobolka Maroodijeex.

 

 

 

 

xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com