Dallada Ganacsatada SOFFA oo Doortay Hoggaan Cusub

Berbera (Dawan)- Shirweynaha Dallada Ganacsatada iyo Mukhalasiinta Somaliland ee SOFFA oo shalay ka qabsoomay Magaalada Berbera, ayaa waxa lagu doortay hogaanka sare ee Dalladaasi hogaamin doona labada sannadood ee soo socda.

Guddoomiyaha Dallada SOFFA ayaa loo doortay Cabdilaahi Maxamuud Cawad, guddoomiye ku-xigeenna waxa loo doortay Guuleed C/raxmaan Axmed, halka Xoghaye ay u doorteen Axmed C/laahi Yuusuf.

Dallada SOFFA, ayaa waxa ku midaysan 816 company oo isugu jira ganacsatada ugu waaweyn dalka, clearance, shipping, transporting iyo logistics kale, kuwaasoo dhamaan ka dhisan ama ka ganacsada somaliland gees ilaa gees.

Saddexda xil ee shirweynaha lagu doortay ayaa mid walba waxa ku tartamayey saddex xubnood.

Cabdilaahi Maxamuud Cawad oo loo doortay Guddoomiye ayaa waxa kula tartamay xubin kale oo kamida Dallada, kaasoo uu ka guulaystay.

Guddoomiyaha ayaa hore uga soo qabtay Dalladan xilal kala duwan intii ay jirtay, waxaanu ka soo noqday Afhayeen, xisaabiye iyo Gudoomiye ku-xigeen, sadexda jago ayuu hore usoo qabtay, waxaana mar kale loo doortay inuu noqdo Guddoomiye.

 

 

 

 

xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com