Wasaaradda Tamarta oo Qabatay Shir lagaga Hadlayay Xaaladda Aagga Tamarta Somaliland

Qore: Cabdiwahab Dahir Xassan

Hargaysa, (Dawan) Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta mudane Cabdillaahi Faarax Cabdi iyo agaasimimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Maxamed Cismaan Siciid ayaa la shiray khuburo ka socotay sanduuqa horumarinta Somaliland.

Shirkan ayaa ujeedadisu ahayd sidii loo falanqayn lahaa xaalada aaga tamarta Somaliland iyo sida sanduuqa horumarinta Somaliland qaybtiisa 3-aad loogu dari lahaa horumarinta ka faa’idaysiga khayraadka tamarta iyo macdanta dalka.

Masuuliyiinta wasaaradda oo uu hogaaminayo wasiirku waxa ay warbixin dhamaystiran kasiyeen khubaradi kasocotay sanduuqa horumarinta Somaliland xaalada maanta ee aaga tamarta, caqabadaha jira, iyo fursadaha maalgashi ee aagaga tamarta iyo macdanta Somaliland.

Sidoo kale waxa kulanka soo afmeeray wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyada oo laysla qaatay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah si loo horumariyo aagaga tamarta iyo macdanta dalka.

Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa ku dheeraaday ahmiyada iyo faa’iidada ay u leedahay in maalgalin loo helo amaba looraadiyo aaga Macdanta iyo tamarta Somaliland, ka wasaarad ahaana ay ka go’an tahay in ay dadaal iyo xilba iska saaraan sidii sidii loo horumarin lahaa khayraadka macdanta dihin ee ku jirta dalka.

 

 

xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com