Golaha Wakiillada JSL oo Dacwad Dastuuri ah u Gudbiyay Maxkamadda Sare ee Dalka

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Shir-gudoonka golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dacwad Datuuri ah u gudbiyay Maxkamadda sare ee Somaliland, kaasi oo la xidhiidha xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo muddo dhawr iyo labaatan casho ah ku xidhan Xabsiga Mandheera.

Gudoomiyaha golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo gudoomiye ku xigeenka Wakiillada Siciid Mire Faarax Giire ayaa u gudbiyay dacwada dastuuriga ah gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali.

Gudoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay dacwada Dastuuriga ah ee ay u gudbiyeen Maxkamadda sare ee Somaliland waxaanu sheegay inay golaha Wakiilladu dacwadan kaga codsaday Maxkamadda Dastuuriga ah inay go’aamiso sharcinimada xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Gudoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Golaha Wakiilladu waxa uu dacwad la xidhiidha xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo la xidhay bishan Septemper labadeedii uu u gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga ah, taasi oo uu kaga codsaday Maxkamadda inay go’aamiso sharcinimada xadhiga Xildhibaanka, maadaama uu goluhu laba jeer cod ku diiday xadhiga Xildhibaanka iyo in xasaanada laga qaado oo uu soo dalbaday Xeer ilaaliyaha guud.

Dacwada sidaasi aanu u sheegnay wax aanu u gudbinay Maxkamadda iyada ayaanu ka war sugaynaa go’aankeeda.”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com