Shir lagaga Hadlayey Amniga oo ka Dhacay Wasaarada Arimaha Gudaha

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Amniga ee wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Mubaarig Axmed Cali, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee amniga, kaas oo lagaga hadlayey ammaanka dalka, isla markaana ay ka soo qayb-galaan laamaha kala duwan ee amniga dalka ka shaqeeya.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha Gudaha waxaa xoogga lagu saaray waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore qodabadii ka soo baxay iyo sidii waqtigan loogu diyaar garoobi lahaa Doorashooyinka soo socda, sidii ay ugu dhici lahaayeen jawi nabad ah.

Shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha ku saabsan ammaanka dalka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

Geesta kale ujeedada shirkan lagaga hadlayey ayaa daarranaa sidii laysu waydaarsan lahaa xogaha amniga khuseeya iyo sidii loo hormarin lahaa isku xidhka laamaha ammaanka ka shaqeeya iyo sidoo kale dadaalada lagu hornarinayo ammaanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha ee Amniga Mudane Mubaarig, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirkani waxaanu yidhi “Waxaan soo dhawaynayaa hay’addaha inagala jooga amniga, sida Ciidanka laanta socdaalka, ciidanka booliska, Ciidanka illaada Xeebaha, wasaarada Gaashaandhiga, ururada rayidka ah iyo hadayaha caalamiga ah.

Ujeedada shirkan amnigu waxa weeye sidii xog laysu waydaarsan lahaa iyo sidii qolo kastaaba u soo bandhigi lahayd waxyaabihii inoo qabsoomay saddexdii bilood ee ina soo dhaafay ee dhinaca ammaanka dalka.”

 

xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com