Yaa ka danbeeya guulaha ay gaadheen, jabhada Tigreega ee dalka Itoobiya? (WQ: Caynaan Farax Caynaan)

General Tasadkan Gebratensa, waa hogaamiyaha ama maskaxda ka danbaysa guulaha ay gaadheen jabhada Tigreega ee u taagan in ay xoreyso dadka Tigreega ah ee ku dhaqan dalka Itoobiya ee loo yaqaan ( TPLF ).
Waa markii labaad noloshiisa, ee hogaamiyihii hore ee ciidanka Itoobiya General Tasadkan uu udub-dhexaad u noqdo kacdoonka iska caabinta ciidanka Itoobiya ee ka dagaalama gobolka buurayda ee Tigreega.
Ninkan ayaa ay hayadaha amniga ee caalamku ku sheegeen in uu yahay ninka ugu mudan hogaaminta dhinca Milateriga ee Afrika. Sideed iyo lixidan jirkan ayaa hore uga tagay jammacada Addis Ababa oo uu ka dhigan jiray cilmiga barashada noolaha ee loo yaqaan ( Biology ), sannadku markuu ahaa 1976, isagoo xiligaa ku biiray jabhadii TPLF, hogaamintiisa, abaabulkiisa iyo dhisida kalsoonida dagaalamayasha ayaa u sahashay in uu noqdo nimanka loogu jecel yahay dagaal galiyayasha sannadihii sideetamaadkii.
Kuwaas oo ka soo horjeeday kaligii taliyihii Mingiste Hayle Maryam, markii xilka laga tuurayna waxa ay qabteen caasimada Itoobiya ee Addis Ababa 28 bishii May, sadex cisho ka dibna waxa ay bixiyeen mishaaradkii shaqalaha ee dawlada.
Todobo sanno ka dib ayaa loo magacaabay hogaamiyaha ciidanka Itoobiya, tobban sanno oo u xilkaa hayay ayaa waxa lagu dhaleeceyaa in ay ciidanka aad ugu badnaayeen qoomiyada Tigreega oo tiro ahaan boqolkii ba lix ka ah tirada guud ee dadka Itoobiya, waxa uu qorsheeye ka ahaa dagaalkii dhex-maray Itoobiya iyo Ereteriya oo ay ku dhinteen dad tiro ahaan lagu qiyaaso 80,000 oo qof oo isgu jira labada dhinac sannadihii 1998 ilaa Juun 2000.
Waxana xilka laga qaaday markii isga iyo raysalwasarihii hore ee Itoobiya isku maan-dhaafeen in dagaalku sii socdo iyo in la joojiyo oo u rabay General Tasadkan in la qabsado Asmara oo ah caasimada Eretariya, sababtoo ah waxa uu u arkaayaya Asayaas Afa-werki in uu khatar ku yahay jiritaanka Itoobiya, halka Malasna uu rabay in lala heshiiyo Erateriya, taas baa keentay in xilka uu waayo ninkani.
Intaas ka dib waxa ku adkaatay in uu la qabsado nolosha rayidka ah, madamoo uu in badan ku soo jiray ta Milateriga, waxase uu shaqo ka heley hayada horumarunta Ingriisaka oo uu la taliye uga noqday dhanka arimaha amniga ee Koofurta Suudaan, mashruucaas oo markii danbe shaqayn waayay, arintan ayaa waxa ay dhaxalsiisay in uu dib ugu noqdo tuuladii uu ka soo jeeday oo ku taal koonfurta gobolka Tigreega laguna magacaabo Raya, si uu ganacsi dhanka beeraha ah uga bilaabo.
Balse, 2018, ayaa mar kale raysalwasare Abiy u magacaabay hogaanka ciidanka Itoobiya, arintaas oo u soo dhaweyey General ku, waxa se laysku af-garan waayay sida loo xalinaayo khilaafka ka dhashay gobolka Tigreega, ninkan ayaa waxa uu ka mid noqday gudi aan caadi ahayn oo isku dayayey in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka gobolka Tigreega.
Markaas ka dib waxa ay noqotay in uu dib ugu laabto caasimada gobolka Tigreega ee Maqale, wana ninka Keeney in kala duwanaashiyaha meel layska dhigo oo loo midoobo sidii loo wajihi lahaa ciidanka Itoobiya, waxana uu hindisay in magaalooyinka laga baxo oo la galo buuraha si loola dagaalamo ciidanka Itoobiya, waxanu sameeyey in uu dhalinyarada Tigreega ah uu u furo tababaro mudo ku siman afar billood wana mida keentay in ciidamada Itoobiya dib looga qabsado dhulkii ay ka haysteen gobolka Tigreega.
Qore: Caynaan Farax Caynaan
Hargaysa, Somaliland.