Waa su’aal dadka u taal in ay is waydiiyaan, ma dadkii la kiciyay ee shirkii qasbay, ayaa sameeyay, (anigu ma aaminsani in ay dadku iskood u kacaan haddii aan cid kicin, dabada ka riixaysa oo wax isku og) ma SNM ayaa samaysay, ma cisaabadii lixdankii ina tuurtay beedkeedii ayaa samayay, Soomaalidu waxay tidhaa ayax tag eelna reeb.
Rasuulku wuxu scw yidhi:
“Ninka muuminka ah god laba jeer lagama wada qaniino.”
Soomaaliduna waxay tidhaa:
“Mar I dage Alle ha dago laba I dagese anaa is dagay.”
Maydun u malayn inaynu mar labaad daganahay. Waayo haddaad u fiirsato qaabka Somaliland loo sameeyay iyo qaabkii loo sameeyay Soomaaliya aad bay isu shabahaan. Waxaa laynagu yidhaa markii Soomaaliya la samaynaayay qiiro iyo Soomaali jacayl ayaa lagu sameeyay iyadoo la qasbaayo siyaasiyiintii indheer garadka ahayd (anigu ma aaminsani in uu nin siyaasi ihi indheer garad yahay eh, waxaan u aaminsanahay in ay danaystayaal yihiin eh).
Markii Somaliland la samaynaayayna qiiro iyo kacsanaan ayaa lagu sameeyay iyadoo la qasbaayo nimankii siyaasiyiinta ahaa, markaa, marka aad halkaa ka eegto qaabka labada jeer loo sameeyay Soomaaliya iyo Somaliland miyaanay is shabihin.
Mida kale nimanka cilmi nafsiga ayaa waxay yidhaahdaan markaad cadhaysantahay ama dareenaakagu kacsanyahay goaan ha gaadhin, waayo goaanka aad cadho ku gaadho adoo kacsan had iyo goor waa qaladanyahay. Culimadaynuna waxay yidhaahdaan ninka xaakimka ah waa inaanu gaadhin wax xukun ah markii dareenkiisu kacsan yahay sidii uu doono ha u kacsanaado eh.
Markaad halkaa ka eegto xagay ku dambaysay Soomaaliya, nina taa looga sheekayn maayo, ma laga yaabaa Somalilandna in ay ku dambayso halkii Soomaaliya maxaayeelay isku qaab ayaa loo dhisay, cid isku mida ahina way dhistay.
Waxaad aragtaa oo kuu cad in ay Somaliland temporary tahay qaabka hantidii dadwaynaha loo boobayo kuwii lahaa cid baanu ka xoraynaynaa iyo kuwa kalaba. Mararka qaarkood waxaad is odhanaysaa waar nimanku miyay idinka xoraysnayeen sidani si maaha eh.
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Dajjaal iyo labadiisii salladood
11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd
Luqadee ayaa wax lagu baranayaa
Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn
Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com