Yaa Wasiiradii hore istawuu (WQ: Cabdiraxmaan Caydiid)

 

Xilli ku beegnayd maalintii Sabtida ee Bisha December 23, 2017, waxaa Hotel Jirde ee magaalada Hargeisa ku kulmay xubno ka mid ah wasiiradii hore, ee dawladdi hore, ee Madaxweyniii hore ee Mudame Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Shirkaa waxa Furay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Mudane Baashe.

Waxyaabihii halkaa laga sheegay ama hadaladii lagaga tiraabay ayaa runtii soo jiitay dareenka dadka Somaliland iyo kuwa daneeya arimaha Siyaasadda ee mandaqadaba. Hadallo halkaa lagaga tiraabay amaba macnahoodu si u dhacayayay, waxa ka mid ahaa kuwan:

  1. Madaxweynihii baa idin casuumay… laakiin ma joogo, wuu cudur daartay… anigaa ayaana afkiisii ku hadlaya ee soo dhawaada….
  2. Wasiir hore ayaa yidhi: Inagaa guusha dhalinay, kuwa imika la doortay markay maryuhu ka wasakhoobaan waa laynoo yeedhi….yacnii laynagama maarmee baan u fahmay anigu..!!!
  • Mid kale, Mr. Hore-wasiir, ayaa ku daray: Ninba meel uu ka galaba waa lagu soo noqon doonaaye, waxba ha degdegsanina…yacnii iska samra ayuu u jeedaa…hal-hays horena wuu u raaciyay..hhhh..maba xuma taasi.
  1. Mid kalaa ku tiraabay: Madaxweynaha Cusubi (MBC) waa inuu inoo yeedhaa…HAYEE.!!…. oo ina dhex yimaadaa…HAYEE..oo inala tashadaa. HYEE!.. oo maxay ku weydiiyaa dee..ma meeshaad la xukuntaa…Wegeray ka waaweyn…Wegereey ka waasacan.
  2. Mid kalaa ka daba qaatay ku ye: Markaanu guriga hebel joognay waxaanu ka shiraynay sidii aanu taageero ula garabistaagi lahayn “Xisbigii aanu ku xoog iyo xoolaba beelnay”…Yacnii cid kale wax ma tarin miyuu ka waday… bal adba.

FALANQAYN KOOBAN

Markaynu is dul taagno hadaladii xubno wasiiro hore halkaa ka jeediyeen, waxaynu isweydiinaynaa laba su’aalood:

  1. Maxaa ku kelifay inay sidan Yeelaan?
  2. Ma la filayay? Mise lama filaan bay ahayd?

Su’aasha koowaad (Maxaa ku kelifay inay sidan Yeelaan?), haddaynu jawaab u raadino, waxa weeye raga meesha joogay intooda badani, umabay weel tolan inay xil waayi donaan. Taasina dee nacasnimo yar baa ku jirta, markaad nin Madaxweyne cusub ah oo awoodii dadweynaha ku tasarufaya aad iskaga sii xisaabtanto inaad soo noqon doonto. Midda labbaad ee soo raacdaa waa raga qaarkiis oo laga yaabo in woxoogaa kamsaro ah meelahaas kusii daadsaday oo is lahaa hadhow roobka deyrta ayaydun in yaroo midho ah ka goosan doontaan, ayaa waxay ka yaabeen cagaftan weyn ee M/weyne MBC soo istaadhay inay ka jiidho. Kadibna walaacaas dartiis ayay rabeen inay is yara muujiyaan. Weyse ka hoostey laftooda.

Su’aasha labaad (Ma la filayay? Mise lama filaan bay ahayd?) haddaynu usoo degno, HAA waa la filayay in waxan oo kale iyo wax u eegiba dhici doonaan. Sababtu waxa weeye daad siyaasadeed oo gebiyada maraya ayaa soo rogmaday. Sideedabana marka daadkaas oo kale soo rogmado wuxuu qaadaa dhagxaanta iyo geedaha dooxa qarkiisa ku yaala, kuwaas oo iyagu iska jeclaan lahaa inay halkooda iskaga sii negaadaan, laakiin daadku taa ma dhegaysto, wixii horyaala badda ayuun buu ku daraa. Sidoo kale Somaliland 13 Nov 2017 dhulgariir siyaasadeed ayaa ka dhacay, waana la filayay inay isbedelo dhici doonaan.

Taas maaha macnaheedu MBC ayaa dadkii la soo shaqeeyay tuuraya, laakiin dee haddii ay waddo D/hoose soo farsamaysay ku marto , oo aad ogaato inaan gurigaagu sekadda la haysan, inaad iskaga sii guurto ayaa ka wacnaan lahayd, inaad quraan dhurwaa aan la fahmayn akhrido. Tusaale kale, markii MBC M/weyne noqday ninkii waddadu qaaday waa la garan, isna waa inuu is gartaa, sidoo kale Markii Seylici M/weyne Xigeen loogu dhawaaqay ninkii waddadu qaaday isna hays fahmo dee intaan usha lagu dhufan, wasiir hebel markii la magacaabayna iyana waa la mid uun. Waayo dee qaaciidada ah awood-qaybsi iyo shaashadda ha laga wada muuqdo ayaa Somaliland dhaqan Siyaasadeed u ah maanta.

  1. WAXA DHACAYAA MA ISBEDEL CAADIYA BAA?

Haa waa isbedel caadiya (Natural Change Process).

Hons. Ex-Wasiiro et al, Meesha idin xanuunaysa idinku garan maysaan ee xaalkiinu waa “ waar waa-laygu dhanyahay”. Anigaa idiin sheegayee mucaaradnanimo horaadkeed baa idin haysa,  imika waa xummad uun, dhowaan baydun kala miyir dillicaaci doontaan, oo halka idin xanuunaysa aydun garan doontaan.  Haddaa beentay moodaysaan Dr. Siyaasi Gabboose ba weydiiya, isagaa Ilaahay hibo u siiyay inuu xaaladahan oo kale maareeyee. Ninkii u baahdana kiniin buu u qorayaa.

Waxaa soo socota in qaar badani oo imika miiska fadhiyay mucardaka iska xaadirin doonaan. Maaha inaa idinku sidaa dooranaysaan, laakiin webigaa soo fatahay ayaa sidaa wax u gelaya.

Cigaal ayaa isagoo dhalinyaradii jabhadda ee qoryaha la rabay in laga dhigo la hadlaya wuxuu yidhi “waxaan idin weydiiyay horta faqash miyaa naga kacsanayseen mise waa naga kicinayseen… Haddaad naga  kicinayseen waa mahadsantihiin. Haddaa naga kacsanayseena waanu iska kiin kicin”. Halhays caan ah bay noqotay. Imika waa halkiisiiye, “qoladan ex-wasiiro, MBC ma isbedelkay la dhalinayeen, mise iyagaa dhashanayay. Haddaa la dhalinayseen guul baad gaadheen waana mahadsantihiin. Haddaa idinku dhashanayseena waydun lu’godeen, ee Mucaaradka iskaga biira ama 5 sano ka bacdi xisbi la yidhaahdo “Ex-Ministers Party” iska samaysta.

Kaadiriintii keliya guusha MBC and Seylici la dhalin rabay, waa guteen hawshoodii, shaqooyinkoodii iyo hawlahoodii baanay ku foofeen, culaysna kuma hayaan inuu MBC xilal u magacaabo. Waxa kuwaas ka mid ah:Cabdillahi Maxamed Ducale, Maxamed Cabdillahi, Zamzam Cabdi, professor Samatar, Jamaal Cali-xusseen, Maxamed. Cali Bile, Rashid Xasan Mataan, C/casis M. Samaale…Roda M. Yassin, Zamzam M. Ege, M. Elmi Adan, C/karim Xinif…..iyo qaar kaloo badan.

Ugu dambayn, runtii raggii (Ex-wasiiro) ee hadhimada isugu yimi intooda badan ixtiraam weyn iyo qadarin ayay iga mudanyihiin, waana haldoorka iyo rukumada siyaasadda ee dalka, hase yeeshee waxaan idin leeyahay Maanta Shalay Maaha, Berriyina Maanta Noqon mayso… Horaa loo soconayaaye…istawuu

 

Wallaahu Aclam.

WQ: C/raxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com