Maanso: Ay-garad (Waxa curiyey Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”).

Maansadan oo tilmaan ka bixinaysa hoos u dhaca ku yimi afsoomaaliga

waxaa ku jiray erayo hore oo qaarkood ama intaada badan la ilaaway

waana dhoolatus Af-soomaaligu u muujinayo afafka kale waxaanay tidhi

 

Ururtiyo laxaa sare

Afa gaale Caliyaw

Ninka adhaxda jiilaal

Eegaa maladi jirin

 

Anna oonka la hashada

Umalkiyo wisiisiga

Waxaan ooda dhacameed

Ashqaraar u kala guray

Oo gadayda laacdiyo

U baxii bilaan jiray

Sidaan ugu abtirin laa

 

Awinkiyo aswaantiyo

Arahdiyo argeeg tiyo

Agedkiyo adeentida

Orobkiyo arbeebiga

Abaajiga asoolka leh

Awsaaxa jiifiyo

Ilma dhuug kolay tahay

Ardalkiyo amuumkiyo adamii tilmaanaa

Uus miirka liitee

Nafta lagula eertiyo

Abqadiyo Adaahida

Abxidayo Adarigii

Iyo aabigeedii

Alamaanku saaraa

Agabaraha geedkiyo

Igmashada fartaaga leh

Ologiyo ardaayada

Axdartiyo asaayaha

Awgiyo ijaabada

Adurtii la odhan jiray

 

Agloolkiyo anfaaciga

Arooskiyo agliilkii

Ajuurada wadaadkii

Eeraanka dheeraa

Agtilaalki soocnaa

Amihiyo aboodiga

Axadhiyo  akeekiga

Anfariirka jaantiyo

Ayn faadka yaabka leh

Arartiyo hayl hayskiyo

Ilama rogashadeedii

 

Erayada tasoobiyo

Afku inuu agoon yahay

Aqoon yahan tilmaamiyo

Abwaan kaama qarinine

Kumaad eer sanaysaa

 

Ayax guuray eel reeb

Aragtida xidaarkiyo

Wax la yidhi aftahankii

Aamus buu ku dhawyahay

Bayaxaw odoraskii

Naaf- dhaladka eedee

Amin iyo god lays waa

Asa oodan baa jira

 

Runta aba saxeediyo

Abaraaqa waayaha

Ab-ogaa warkiisiyo

Arnaa’uudka waydii

Aygaradka sii raac

Eela waynta naaxdiyo

Baydari ugaadhsaday

Ishinkeeda raacdee

Ohligaad jeclayd iyo

Okholaha halkiisii

Umal baa ka sara kacay

Aroortiyo aroorida

Ashkir inuu bariistiyo

Wax la yidhi Adeeridu

Dhulka meel aftoolina

Kuma uusi shidatoo

Aarmigu ma saacido

 

Waa agaali waranlay

Iyo nugul abeereed

Carshintii Aloog iyo

Calaw daranti Eexood

Alle waxay ka sugayaan

Cirku in uu mar ooftiyo

Arligoo ku doogsada

Ukulidii dareenkiyo

Uubatays ha joogee

Yaa irdheeyay waayaha

Yaa agoolka  saanyaday

Aydinkiisa laaciyo

Ijadiisii yaa luray

 

Arbe waa yaqaanaa

Halkuu oosha mariyoo

Oolimaad diraaceed

Udawayne kuma furo

Aradkana  hankaw daran

Garashada abguurtiyo

Agoon waa qofkii madhan

 

Indhaa aragti dooday

Ilkuhuna wax gooyaan

Aadmigu is qaad qaad

Isagaan abuurtiyo

Aayihiisa faalayn

Damaciisa iib gee

Hadba aag u sii gudub

Nin adduun majeertaa

Indheer garato maahee

Iimaanki duug noqoy

Asalkiina laga faan

 

Adduunyada af baa fura

Aqoontana af baa qora

Dhaqankana af baa sida

Aa saarta duugiyo

Taariikhda aadmiga

Afku udub dhexaad iyo

Aqalkooda weeyaan

Ummadana hankeediyo

Ilbaxeeda weeyaan

Ubadkana asluubtiyo

Aayahooda weeyaan

 

 

Alif macalin baa dhigay

Iyo Awgi  waynaa

Keena diidna aashii

Aragtiyo farbuu qoray

Galaal aynigiisii

Umaduu wax uga tagay

Shire-gaab amaan iyo

Ubax baa dulsaaraaa

Kadaraa ogayl key

Qoraal loogu iman jiray

Afrax inuu dadaaliyo

Wili orodki muudayn

Gaarriyana astaamaha

Afka waa macnay jiray

 

Arbayaasha qaar iyo

Akhyaartii badh baa maqan

Abaal lagu xusuustiyo

Tixdu waa abaartood

Inta iilka jiiftana

Alle hawgu samafalo

Amiiiiiiiiiiiiiiiiiin