Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic Waaweyn oo Xukuumaddu Ka Fulisay Deegaanka Sama-kaab.

Sama-kaab-24-11-2018-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray Ceel biyood iyo dugsi loogu talo galay tabobarka ciidamada qaranka oo laga hirgeliyey deegaanka Samo-kaab ee gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu xadhigga kaga jaraymashaariic ay xukuumadda uu hoggaamiya kafulisay deegaanka Sama-kaab ee gobolka Sool, kuwaas oo kala ah ceel biyood ay bulshada deegaanku intifaacsan doonaan iyo dugsi lagu tabobari doono ciidamada qaranka.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ugu horrayn ka hadlay xadhig-ka-jarista Ceel-biyoodka laga hirgeliyey deegaanka Sama-kaab, ayaa sharraxay faa’iidooyinka uu ceelkaasi u leeyahay bulshada deegaanka oo biyo la’aan ka cabanaysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa bulshada gobolka Sool ku boorriyey inay ilaashadaan ceelka loo qoday, isla markaana ay ka dheeraadan wax kasta oo waxyeellayn kara.