Qaab-nolaleedkii Soomaalidii xilligii Raage Ugaas

Waxaa lagu tilmaami karaa in nolasha soomaalidu dhisnayd waayihii Raage Ugaas qaabka tolaysiga iyo beelaysiga, taas oo ahayd in qoys waliba uu iskii isku xukumo oo ayna jirin dallad guud oo soomaalinimo iskugu keenta. Hase yeeshee, dhul badan oo xeebaha koonfureed ah ayaa hoos iman jiray Saldanadii Cummaan ee Sanjibaar, taas oo ka talin jirtay War-sheekh illaa iyo xeebaha dhulka kiinya lagu daray.

Boqortooyadaas Cummaan qudheedu waxay dhulka timid wixii ka dambeeyay sanadkii 1729, oo ku beegan xilligii bariga afrika burtiqiiska laga saaray, xilligaas qiyaastii hal qarni ka horraysay dhalashadii Raage Ugaas. Dhinaca waqooyigana waxaa waayadii uu Raage noolaa imaaday Saraakiil iyo ciidamo ka socday dawladdii Cusmaaniyiinta, oo saldhig ka samaystay Barbara, magaaladaas oo waayadaas lagu magacaabi jiray Saaxil.

Soomaalida waxaa u talin jiray Ugaasyo, Garaaddo, Salaadiin, Imaamyo, Malaaqyo, Duubab, Cuqaal IWM. Nin walibana xilligaas qummanihiisa ayaa qoorta ugu jiray, oo tol waliba si gaar ah ayuu isku xukumi jiray. Xagga kale ee dhaqanka, waxay soomaalidu aad ugu dhawayd qaab-nolaleedkii reer miyiga carbeed, oo geela iyo fardaha iyo laandheeranimada ayay qaddarin jireen, waxayna nolasha noocaas ah aad uga dhax muuqataa gabayada Raage Ugaas.

Dhinaca diinta waxaa jiray: Dugsi qur’aan, Culimo Suufiya ah oo kaalin wayn kulahaa bulshada soomaaliyeed dhexdeeda iyo xertooda oo iskood wax isku barayay, diintana ku faafinayay iyagoon cidna taageero xusid mudan ka helin.

Waayadaas uu Raage noolaa deegaanka soomaalida wuxuu xagga galbeedka ku ekaa Balballayti iyo buuraha Gaaraa-cabdille.