Kaligii labe

Gabay araare iyo calaacal ah oo uu Allaha u raxmee Raage Ugaas tiriyay

Waxaa la yidhi laba qolo oo Raage ugaas beeshiisa ka wada tirsan ayaa collowday. Raage Ugaas ayaa aad iskugu taxaluujiyay sidii uu u baajin lahaa dagaalkaas, balse, wax qornaa ayay ahayde wuu quustay, markay xabbaddii billaaban rabto ayuu geed dheer oo labadii col u dhexeeya iska fuulay. Markay xabbadii joogsantay, raggiina wax dhintay iyo wax dhaawacmay noqdeen ayuu soo degtay. Wuxuu isa soo kor taagay nimankii uu daqiiqado ka hor la xaajoonayay oo wada mayd ah. Markaasuu gabaygan yar tiriyay, isaga oo dadka ku waaninaya in lagu tusaale qaato waxa meeshan ka dhacay, hadda ka dibna laga digtoonaado musiibo qabiil. Wuxuu yidhi:

Kolkii dhawayd raggii aan ogaa kaamil nimadiisa

Soo kaca kursiga aakhiraa kaalay la lahaaye

Kormow ina shanfool buu ahaa kaamilkii dhimaye

Kablaluxuba aw muxumed salal waw kabaal jabaye

Haddi kaligi labihii la dilay kadan Ogaadeen