๐Œ๐š๐ซ๐ญ๐ข๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐‚๐š๐ซ๐ฐ๐š๐๐š ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐š๐ ๐ญ๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐๐š๐š๐๐ก๐š๐ฒ ๐—๐š๐ง๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐‡๐ˆ๐•/๐ˆ๐€๐ƒ๐’

xannuunka HIV/AIDS oo laga baadhay martidi ka soo ka soo qayb gashay badhiga buugagta Hargeysa.

 

Xannuunka HIV/AIDS waa xanuun ku faafa galmada, dadkuna aanay ku baraarugsanayn siyaabaha loo kala qaado, mana dhacdo qofku inuu si iskii ah isaga baadhi sida xanuunada kale, taasi waxa ay keentay in Komishanka Xakamaynta Aydhiska Somaliland uu awooda saaro in bulshada laga wacyigeliyo khatarta xanuunka iyo siyaabaha loo kala qaado.

Komishanka Xakameynta HIV AIDS oo wacyigelin la xidhiidha xanuunka HIVA/IDSย  ka fulisay Carwada dhaqanka Hargaysa, sidoo kale baadhitaano ku samaysay martidiid ka soo qayb galay bandhiga carwada Hargaysa.

 

Komishanka Qaranka ee xakameynta HIV/AIDS-ka ayaa maalintii shanaad wacyigelin la xidhiidha xannuunka HIV/AIDS ka sameeyay xarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa, ahna goobta ay ka socoto bandhiga buugagtu,ย  waxaanu koomishanku baadhitaan la xidhiidha xannuunka HIV/AIDS ku sameeya martidii ka soo qaybgashay Carwada buugagta.

 

Geesta kale Koomishanka Qaran ee xakameynta HIV/AIDS ayaa ku hawlan sidii dadwaynaha isugu imanaya goobta loo gaadhsiin lahaa farriimaha wacyigelinta, iyadoo ujeedku yahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga iyo barashada HIV/AIDS-ka.

 

Mudadii uu bandhigu socdayna Bulshada kasoo qayb gashay ayaa la gaadhsiiyay farriimo isugu jira ka hortagga, ahmiyadda ay leedahay is baadhistu, saameynta taban ee ay leedahay in la faquuqo dadka la nool HIV/AIDS ka iyo kuwo kale.

 

Geeska kaleย ย ย  waxa garab socda isbaadhitaanka HIVAIDS oo bilaash ah oo loo sameeyay dadkii kala duwanaa ee kasoo qaybgalay bandhigga carwada buugaagta Hargaysa.