𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐆𝐨𝐫𝐟𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐜𝐝𝐚𝐧𝐭𝐚

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda tamarta iyo Macdanta Siciid Axmed Jibriil ayaa guddoomiyay kulanka Wadatashiga ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Tamarta Korontada Somaliland.

Kulanka la tashiga oo Wasaaradda Tamartu la yeelatay daneeyayasha Aaga Tamarta dalka ayaa waxa ka soo qayb galay xubno matalaya dhamaan shirkadaha Korontada dalka iyo Garyaqaano kasocday dhanka shirkadaha Korontada.

Waxa kale oo shirkaa qayb ka ahaa qaar ka mid ah Ingineeradda Wasaaradda, Garyaqaano Wasaaradda dhinaca sharciga ka taageera iyo shaqaalaha World bank.

Ujeeddada kulankaas ayaa ahayd sidii shirkaduhu Wasaaradda ula wadaagi lahayeen wixi talo ah ee xeerka ku-saabsan sidoo kalena looga wada tashan lahaa xeerkan wax kabadalka lagu wado si loo helo xeer dan u ah dhamaan daneeyayaasha Aaga Tamarta oo dhan.