𝐓𝐚𝐲𝐰𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐤𝐮 𝐌𝐚𝐫𝐭𝐢-𝐪𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐊𝐮𝐥𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐚 𝟐𝟓 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐨𝐨𝐝.

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland ayaa sii sagootiyay mid ka mida khubarada wasaaradaas, oo shir muhiim ah kaga qayb gali doona dalka Taiwan.

Shirkan oo lagu qaban doono dalka Taiwan wax aka qayb-gali doona 25 wadan, oo ay Somaliland ku jirto, waxaanay wasaaradda horuymarinta beeruhu sheegtay inuu shirkaas Somaliland ku matali doono Khadar Mawliid, oo ka mida aqoonyahanka wasaaraddaas.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Prof. Aadan Cabdilaahi Sheekh ayaa sheegay in shirkaas oo socon doona 15 maa-mood uu ku saabsan yahay kor u qaadidda habka wax-soo-saarka Beeraha ee casriga ah.

Prof. Aadan Cabdilaahi agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland wuxuu tilmaamay in shirkaasi yahay mid Somaliland u leh muhiimad, maadaama oo ay Somaliland ka mid tahay wadamada uu koraayo waxsoo-saarkooda dhanka beeruhu.

Shirkjani maaha kii u horeeyay ee heerkaas leh ee ay Somaliland ka qayb-gasho, dhawaan ayay hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda beeruhu ka soo laabteen shirar iyo aqoon-iswaydaariyo ay kaga soo qayb galeen dalka Taiwan, oo ay Somaliland leeyihiin xidhiidh wanaagsan.