Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay gobolka Sanaag, ayaa shalay ku dhawaaqay nabad lagu soo afjarayo colaadii ka dhacday deegaankaas.
Waxgarad ku hadlayey labada ardaa ayaa ballan qaaday inay nabadda ka shaqeynayaan iyo soo afjarista colaada halkaas ku soo moqnoqotay.Guddi ka tirsan Golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nabadda ay isla qaateen labada beelood ee dirirtu dhexmartay, waxaanay tilmaameen in nabaddu ay leedahay dad badan oo cadow ku ah oo loo baahan yahay in wadajir looga taxadaro.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay beelahan kala shaqeynayaan sidii ay nabad buuxdaa uga hirgeli lahayd degmada Ceel Afweyn.
โNabad caam ah ayaanu jeedinaynaa, mid qoysaska wax kala galena ayaanu jeedinaynaa, mid degmada iyo gobolka ahbaanu jeedinaynaa, ILLAAHEYna waxa aanu ka baryayna in uu aqbalo isaga ayaa aqbalaada leheโAyay yidhaahdeen waxgaradka labada dhinac.
Guddoomiyaha guddida ergada ah ee golaha guurtidu u saaray nabad ku soo celinta beelihi walaalaha ahaa dhawaan dirirtu ku dhexmartay degmada Ceel Afweyn, Xildhibaan Axmed Maxamuud Jirde, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nabadda ay isla qaateen labada beelood ee dirirtu dhexmartay, waxaanay tilmaameen in nabaddu ay leedahay dad badan oo cadow ku ah oo loo baahan yahay in wadajir looga taxadaro.
Waxaanu yidhi.โNabada maanta aad ku baaqdeen cid badan ayaa u cadaw ah, kii nabadgelyaddarada ka shaqaynayay imika ayuu qorigiisa iyo hawshiisa qaadanayaa, ciidamada Qaranka ee Somaliland ee Ceel Afweyn ku sugan, meel lawada joogo iyo meel la kala joogaba ammaankooda waxa sugaya ciidanka Qarankaโ.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay beelahan kala shaqeynayaan sidii ay nabad buuxdaa uga hirgeli lahayd degmada Ceel Afweyn.
Waxaanu yidhi. โNinka iman waaya waayeelnimadiisa ayaynu wax iska weydiinaynaa waa halkeeda, innagu waxa aynu ku dadaalayna ILLAAHEY na la kaashayna in aynaan cidna ka maarmin, ILLAAHEY waxaan ka baryaya fadhiga inoo bilaabmay in aanu dib inooga noqonโ