๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—œ๐—ป๐—ด๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ.

๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—ฌ๐—ฆ๐—” – Guddida doorooyinka Qara ka JSL, iyo dowladda Ingiriiska ayaa iska xog wareystay arrimaha doorashooyinka, u diyaar garowga doorashooyinka iyo hawlaha guddida doorashooyinka u yaala.

Dhinaca kale dowladda Ingiriiska ayaa balanqaaday inay gacan ka gaysaneyso doorashooyinka Somaliland ee la filayo inay sannadka danbe ka qabsoomaan dalka, kadib markii ay kulan wada yeesheen guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo madaxa xafiiska UK ee JSL Mudane Ilyaas Malek iyo saraakiil kale.

Geesta kale guddida doorashooyinka Qaranka ayaa warbixin ka siiyay waftiga u doyaar garowga arrimaha doorashooyinka iyo dhamaystirka xeerka doorashooyinka ee horyaala golaha wakiillada JSL.

Sidoo kale waxa ay kulanka ku gorfeeyeen soo saarista liiska kama-dambaysta ah Codbixiyeyaasha iyo diyaarinta qorshayaasha iyo miisaaniyadda doorashooyinka.