𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗶𝘀 𝗪𝗮𝗮𝗳𝗮𝗷𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 3-𝗱𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗯𝗶 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL, ayaa fadhigoodii 7aad ee maanta kulan ka yeeshay saddexda xisbi Qaran.

Shirkan oo uu gudoominayey
Guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) waxay si gaar gaar ah ula kulmeen saddexd xisbi Qaran.

Guddidu waxay ka dhegaysteen aragtidooda la xidhiidha xeerka doorashooyinka iyo go’aamadii ay soo saareen guddida beelaha bariga Burco ee la xidhiidhay in la isa saaro doorashooyinka.

Guddida ayaa dhawaan aqalka Wakiillada u gudbin doona tallooyin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.