๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ ๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ, ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—š๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฐ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐—น๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐—ด๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฒ๐˜…๐—ฒ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ayaa warbixin ka siiyey guddida shaqada ay Qaranka u hayaan, waxaana halkaas su’aalo dhinacyo badan taabanaya ay Xildhibaannadu ku waydiiyeen Guddoomiyaha Baanka dhexe iyo agaasimaha guud.

Guddoomiyaha Baanka iyo agaasimaha guud ayaa mid mid uga jawaabay su’aalihii ay mudanayaashu ka weydiiyeen shaqada baanka dhexe iyo howl socodsiinta arrimaha baanka.

Geesta kale intii kulankani uu socday waxa ay masuuliyiinta Baanka dhexe iyo guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiilladu isla qaateen in ay sifiican uwada shaqeeyaan, xidhiidhkoodana joogto ka dhigaan.

Guddi hoosaadka dhaqaalaha, maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda waxa ay uyeedhaan hadba masuulkii ay is yihiin xog ayaad uga baahan tihiin.