Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska JSL ayaa maanta daahfurtay shir wadaagaha daryeelka bulshada

Shirkan oo toos ugu xidhnaan doona qorshaha qaran ee Saddexaad NDPIII. Muhiimadda ugu weyn ee laga leeyahay waa in la helo goob laysugu yimaado oo lagu gorfeeyo shaqooyinka iyo barnaamijyadada dalka ka socda ee daryeelka bulshada.

Iyada oo dawladdu kula xisaabtami doonta cid kasta oo ka shaqeysa. Waxaana shirka ka soo qaybgalay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradda Caafimadka iyo shaqo gelinta. Waxaana shirka si toos ah u furay Wasiirka Wasaaradda mudane Cali Cumar Maxamed Eng cali Xoorxoor.