๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐˜„๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐˜‚ ๐˜„๐—ฎ๐˜†๐—ป ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ผ๐˜๐—ฎ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ก๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎ.

default

Dawladda Hoos oo bilawday dib u dhiska jidadka yar yar ee isku xidha jidadka waa wayn ee halbawlaha ah.
Marinkan hadda idiin muuqdaa waa jid yaraha isku xidha laba wado ee muhiim ah, kuwaasi oo kala ah jidka hor mara Madaxtooyadda iyo jidka dhinaca Waqooyi ka mara dhakhtarka wayn ee Hargaysa, waa is-goyska dhismaha Deero Mall ilaa dhismaha Cali Gobonimo inta u dhaxaysa.
Suuqyada Hargeysa waxa buux dhaafiyay shaqaalaha dawladda hoose ee Hargaysa oo kooxiba hawl gaar ah ay ku mashquulsan yihiin, sida la tacaalista ciida soo galaysa jidadka, nadiifinta hareeraha wadada, dib u habaynta jidadka wax-yeeloobay iyo ururinta cashuuraha ku waajibay muwaadiniinta.
Masuuliyiinta dowladda hoose Hargeysa ayร a ku howlan banaynta jidadka xidhan ee xaafadaha kala duwan ee degmooyinka caasimada.
Xaafadaha qaar dowladda hoose waxa ay dib u banaysay 10 jid oo la iska xidhay.
Inta badan marka aad marto gudaha magaalada iyo xaafadaha dhawaan dega ah ee ku xeeran waxa ka socda dhismaha waddooyin hor leh oo cusub.
Qaybaha kala duwan ee bulshaweynta ku nool magaalada Hargeysa ayaa siweyn ugu riyaaqay waxqabadka Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa iyo sida ay habeen iyo maalin heeganka ugu yihiin horumarinta iyo bilic soocelinta caasimada.

default

default

default

default
default
default

default

default
default
default