๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ – Wasiirka Wasaaradda beeraha JSL Eng. Cabdiqaadir Iimaan Waraame, ayaa maanta ka qaybgallay Munaasibad lagu soo bandhigau Midho-dhalka Mashruuca kor u qaadista iyo tayaynta khudaarta iyo Midhaha Somaliland, kaasi oo ka socda deegaanka Arabsiyo.
Mashruucan waxa la bilaabay bishii 12/ 2020, waxaanu Wasiirku Beeruhu uu xadhigga ka jaray beertaas Bishii tobnaad 2021.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa faahfaahiyey ujeeddada Mashruucan laga leeyahay iyo sida uu waxtarka u yeeshay, waxaanu yidhi “Ujeeddada aanu u furnay waxa weeye in aanu ka dhigno beer tababbar, sidoo kalena aanu ku tijaabino siidhadh fara badan si aanu u helno midhaha iyo khudaarta ku habboon Somaliland, kadib marka aanu tijaabada samayno ee aanu helno midhaha iyo khudaarta ku habboon Somaliland, waxa aanu samaynaa in aanu suuqana ku tijaabino in ay qiimo fiican u jarayaan beeralayda, kadibna aanu siidhadhka siino beeralayda.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Marka laga yimaaddo beeridda iyo tijaabinta siidhadhka waxa aanu sidoo kale barnaa beeralayda hababka casriga ah ee beeridda sida in aanu kor ugu qaadno aqoonta beeralayda. Dhibaatooyinka iyo caqabadaha aanu kala kulano beerashada waxa aanu kula tacaalnaa waxa waddankeena laga heli karo sida;
1: In aanu u samayno beeralayda buugaag ka hadlaysa xanuunada waddankeena ka jira iyo sida loola tacaalo.
2: Inaad wax beertaa macquul ma aha biyo laโaan, biyuhuna aad bay u yar yihiin Somaliland. Sidaa daraadeed waxa aanu beeralayda barnaa in ay isticmaalaan habka casriga ah ee waraabka beeraha si loo yareeyo biyaha khasaaraya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maanta oo ay ku beegantahay maalintii aanu beerta furnay, waxaanu halkan u joognaa su aanu idiinla wadaagno macluumaadkan, aragtidu waa rumayn, khudaartan qaaliga ah waa laga beeri karaa Somaliland, marka laga yimaado barida beeralayda farsamooyinka cusub waxaanu sidoo kale isku xidhnaa beeralayda iyo ganacsatada iibisa khudaarta iyo Midhaha..”
Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Beeraha iyo Taiwan, ayaa waxa isaguna Munaasibadda lagu xusay sannad-guuradiisa goob-joog ahaa Safiirka Taiwan u jooga Somaliland Allen Lou.