10ka siyaasi ee ugu musuqmaasuqa badan adduunka 

10ka siyaasi ee ugu musuqmaasuq badan adduunka

Qof kasta oo dhulka ku nool wuxuu doonayaa inuu ku kasbado lacag aad u badan waqti la’aan. Qaarkood waxay ku kasbadaan lacagta siyaabo sax ah qaar badan oo ka mid ahna waxay qaadaan talaabooyin qaldan si ay lacag ku kasbadaan waqti aad u yar. Siyaasaddu waa sida ugu fudud ee lagu kasbado lacag aad u badan muddo yar gudaheeda. Musuqmaasuqu wuxuu noqday caqabad caalami ah maxaa yeelay waxaa jira dadyow kala duwan oo ku lug leh siyaasada, qaarkood waxay daacad ka yihiin waajibaadkooda waxayna ujeedadoodu tahay inay caawiyaan dadka iyadoo ay jiraan siyaasiyiin badan oo u shaqeeya kaliya danahooda oo doonaya inay horumariyaan Xoolo intii suurtagal ah oo ay awoodaan.

Marka loo eego warbixnta SteemIt, siyaasiyiinta hoos ku taxan waa 10ka siyaasi ee musuqmaasuqa ugu sareeya adduunka

1- Nawaz Sharif

Waa ganacsade reer Pakistan ah iyo siyaasi hore u soo noqday raiisel wasaaraha Pakistan seddex jeer oo aan isdaba joog ahayn. Shariif waa ra'iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee Pakistan waxaana uu xilka hayay in kabadan 9 sano.

Waa ganacsade reer Pakistan ah iyo siyaasi hore u soo noqday raiisel wasaaraha Pakistan seddex jeer oo aan isdaba joog ahayn. Shariif waa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee Pakistan waxaana uu xilka hayay in kabadan 9 sano.

2- Vladimir Putin

Vladimir Putin waa madaxweynaha Ruushka. Wuxuu xilka hayaa 2012, isagoo horey u hayey xilka madaxtinimo ee dalkaas sanadkii 2000 ilaa 2008.

3- King Salman Bin Abdulaziz

Salman bin Abdulaziz Al Saud waa boqorka Boqortooyada Sucuudiga, waxa uu ku jiraa kaalinta saddexaad ee siyaasiyiinta ugu musuqa badan caalamka.

4- Sigmundur David Gunnlaugsson

Sigmundur David Gunnlaugsson waa Raiisel Wasaarahii hore ee Iceland. Wuxuu xilka hayay 2013 ilaa Abril 2016. Wuxuu ahaa Raiisel wasaaraha ugu da’da yaraa ee Iceland.

5- Khalifa Bin Zayed AL Nahyan

Khalifa Bin Zayed AL Nahyan waa Madaxweynaha Imaaraatka Carabta iyo Amiirka Abu Dhabi. Wuxuu sidoo kale hayaa xilka Taliyaha Sare ee Ciidamada Difaaca Midowga.

6- David Cameron

David William Donald Cameron waa Raiisel Wasaarahii Boqortooyada Ingiriiska intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2016. Wuxuu sidoo kale ahaa hogaamiyaha Xisbiga Conservative Party laga soo bilaabo 2005 ilaa 2016.

7- Narendra Modi

Narendra Modi waa Raiisel Wasaaraha Hindiya wuxuuna xilka hayaa ilaa sanadkii 2014.

8- Teodoro Obiang Nguema Mbasogo Equatorial

Mbasogo waxa uu madaxweyne ka ahaa dalka Equatorial Guinea ilaa 1979. Sidoo kale waxa uu ahaa gudoomiyaha Midowga Afrika laga soo bilaabo 31 Janaayo 2011 ilaa 29 Janaayo 2012.

9- Kim Jong UN

Kim Jong UN waa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxa uu xilka hayaa ilaa sanadkii 2011.

10- Petro Poroshenko

Waa madaxweynahii Ukraine maamulayay intii u dhaxeysay 2014-ka illaa 2019-ka.

Fiiro Gaar ah: Xogtan waxa la diyaariyay 2018-kii

Il-Wareed: RS.net

Bandhige@gmail.com