Hargaysa (Bandhige) Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeeyey ciidamada amaanka ee Itoobiya inay sii wadaan falalka foosha xun ee xuquuqul insaanka, oo ay kujiraan xukuno ka baxsan sharciga iyo jidhdil, tan iyo markii Raiisal wasaare Abiy Ahmed uu xukunka la wareegay 2018.
Warbixin ay soo saartay Jimcihii, ayay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ku caddeysay xadhiga sharci darrada ah ee kumanaanka qof iyo guuritaanka qasabka ah ee tobonaan qoysas ah laga saaray guryahooda, inta lagu gudajiro hawlgallada amniga ee lagaga jawaabayo weerarada kooxaha hubaysan qaybo ka mid ah gobollada Amxaarada iyo Oromada. Abiy wuxuu soo bandhigay isbadalo ballaadhan oo isdaba joog ah, oo ay ka mid tahay in cafis loo fidiyo kumanaan maxaabiis siyaasadeed ah iyo in dib loogu noqdo sharciyada dalka. tan iyo markii uu xukunka la wareegay April 2018.
Bilaabidda isbeddelada ballaadhan ee gudaha oo ay weheliso dadaallada lagu joojinayo colaadda dalka deriska la ah ee Eritrea oo muddo dheer soo jiitamaysay wuxuu ku guuleystey amaanta caalamiga, wuxuuna helay abaalmarinta nabadda ee Nobel sanadkii hore.
Dhanka kale, mudada Abiy uu xilka hayay ayaa waxaa sidoo kale isasoo tarayay khilaaf qowmiyadeed, iyadoo boqolaal kun oo dad ah ay ku barakaceen gudaha xilli xaalada amni xumo ee dalkaasi ay ka sii darayso.
Bandhige @Gmail.com