16 qof oo lagu xidh-xidhay Biljimka

Hawgalo ay bilaabeen booliska Biljimku ka dib weeraraddii Paris ayaa waxay hawgaladaas kusoo qabteen 16 qof oo laga soo qabtay magaalooyinka Brussels iyoi Charleroi.

Inkastoo ay hawgaladu socdaan, balse waxa aanay wali qaban Salar Cabdilsalam oo ahaa ninka lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey weeraradii Paris oo la rumaysan yahay in uu ku sugan yahay guddaha Biljimka.

Dhammaan dadkan la soo qabtay ayaan lagu soo qaban wax hub ah ama waxyaalaha qarxa intii uu socday hawgalkaasi.

Biljimka ayaa hore ugu dhawaaqay in ay xaaladda ammaanka ay ku jirto derajadda saddexaad oo ay suurto gal tahay in ay weerarro argagaxiso dhici karaan, taas oo uu Raysal Wasaaraha Biljimkuna Charles Michel uu xaqiijiyey in heerka feejignaanta ee Brussels uu sii ahaan doono mid aad u sarreeya, iyadoo sababtuna tahay khatar aan la dhayalsan karin oo ka imanka dhinaca kooxaha Islaamiyiinta ah.

Sidoo Michel waxa uu sheegay in iskuullada iyo tareennada dhulka hoos mara ee Brussels ay xirnaan doonaan maanta oo Isniin ah.

Weerarraddii Faransiiska ka dib ayaa waxa la soo dersay Biljimku walaac aad u weyn oo dhinaca ammaanka ah inkasta oo ay la qabaan waddamada Yurub oo dhammi.

bandhige@gmail.com