27 qof ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay Nayjeeriya

 

Saddex haween ah ayaa lagu soo warramayaa in weerar is miidaamin ah ay ka fuliyeen waqooyi bari dalka Nayjeeriya, kaas oo galaaftay ugu yaraan 27 qof, sida laga soo xigtay saraakiisha dalkaasi. Tobaneeyo qof oo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markay isku qarxiyeen bannaanka xero qaxoonti oo u dhow magaalada Maiguguri ee gobolka Borno, oo ah halka ay aadka ugu badan yihiin kooxda Boko Xaraam ee dalka Nayjeeriya ka dagaallanta.

Waxa aad u kordhaya dagaalka iyo rabshadaha ka dhaca magaaladaasi bilihi u dambeeyay.

Boko Xaraam ayaa dalkaasi ka dagaallameysa tan iyo sannadkii 2009-kii, si ay uga hirgeliso dalka shareecada Diinta Islaamka.

Baba Kura, wuxuu ka mid yahay ciidamada loo igmaday in ay soo afjaraan dagaalka kooxda jihaad doonka ah, wuxuuna wakaaladda wararka ee AFP u sheegay maalintii Salaadada in haweeneydii ugu horreysay ay isku qarxisay meel u dhow xerada.

Wuxuu intaasi ku daray in labada dumar ee kalana ay is qarxiyeen waqti dadka ay xidhayeen dukaamadooda, halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha ugu badan.

Warbixin ay soo sareen baadhayaasha Maraykanka ee dembiyada argagixisannimada ayaa lagu sheegay in ay tahay kacdoonkii ugu horreeyay taariikhda ee haween badan oo is qarxiya la isticmaalo in ka badan ragga.

Sannadkii hore, dawladda Nayjeeriya ayaa sheegtay in kooxda Boko Haram laga adkaaday.

Balse wararka ayaa sheegaya in ciidanku ay ku guul-darreysteen in ay joojiyaan qaraxyada, dadkana ay ka sii qaxayaan guryahooda gobolka Borno oo ay galayaan xeryaha.

bandhige@gmail.com