Xaaska Mugabe waxay ku laabatay Zimbabwe iyadoo tacaddiyi loo haysto

 

Marwada koobaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugabe ayaa dalkeeda ku laabatay iyada oo ka tagtay dalka Koonfur Afrika, kadib markii ay ku guuldarraysatay in ay u tagto booliiska magaalada Johannesburg si wax looga waydiiyo eedaymo tacaddi oo lagu soo eedeeyay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ma cadda sababta aysan Grace ugu tagin booliiska maadaama oo ay sheegtay in ay u tagi doonto.

Gabadh 20 jir ah oo reer Koonfur Afrika ah ayaa Grace ku eedaysay in ay madaxa wax kaga dhufatay ka dib markii ay ku murmeen huteelkii ay deganayda habeenkii Axadda ee todobaadkan.

Grace ilaa iyo hadda kama ay hadlin eedaynta loo soo jeediyay.

Ilo xogogaal ah oo ka tirsan dawladda Zimbabwe ayaa xaqiijiyay in Grace oo ah xaaska madaxweyne Robert Mugabe ay ku laabatay dalkeeda.

“Haa dalka ayay ku soo laabatay, ma garanayno meesha ay ka socoto arrintan tacaddiga.” ayuu yidhi sarkaal sare oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mar sii horraysay ayay booliiska Koonfur Afrika sheegeen in ay wada xaajood la galeen qareenkeeda si ay booliiska iyadu ugu timaado.

bandhige@gmail.com