28 sannadood ayuu dil-suge ahaa isaga oo aan dambi gaysan

 

“29 jir baan ahaa markii aniga oo jooga guriga hooyaday oo ku yaallay Birmingham, Alabama, ay laba nin oo booliis ahi i qabteen maalin ay cadceedu kulushahay sannadkii  1986-kii. Markii ay hooyaday aragtay iyada oo la i garbo duubay oohin bay la qaylisay. Waxay i waydiiyeen in aan qori leeyahay, waxaanan ugu jawaabay ma lihi. Waxay i weydiiyeen in hooyaday qori leedahay, waxanan u sheegay in ay mid haysato. 50 jeer baan waydiiyey saraakiisha sababta ay ii xidhayaan waxaanay ii sheegeen in aan budhcadnimo ku kacay. Waxan u sheegay in aanan ahayn qofka ay imoodayaan, waxayse igu yidhaahdeen waxaad doontaba ahow, waa lagugu caddayn doonaa dambigan.”

Sidaa waxa yidhi Anthony Ray Hinton oo hadda 58 jir ah oo u warramay jariiradda The Guardian kadib  markii uu ka soo laacay in ka badan 28 sanno oo xadhig ah. Anthony isagoo sii wada qisadiisii murugada lahayd, wuxu yidhi:

“Waxay igu eedeeyeen dhac xoolo ummadeed iyo isku-day-dil, waxa kaliya ee ay caddayn iiga dhigeena waxay ahayd qorigii wax lagu dhacay iyo kii hooyaday ayaa isku ekaaday. Sidaasaa la iigu xukumay dil.”

Anthony oo ka soo jeeda qoomiyadda madow ee Maraykanka ee “African-American-ka” loo yaqaan wuxu sheegay intii uu dil-sugaha ahaa in qolkiisa la soo hormariyey 54 nin oo dil lagu fuliyey isla markaana ay nafta iska jareen 22 maxbuus oo kale.

Isagoo ka sii warramaya kadeedkii soo maray Anthony wuxu yidhi:

“Qolka aan ku xidhnaa wuxu ahaa 1.5 mitir oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo 2 mitir ah, kaas oo aan 24-ka saacadoodba ku jirayey. Quraacda waxa la keenaa 2.45 subaxnimo, qadadana 10.00-ka subaxnimo cashadana 2.00-da duhurnimo. Kuu oggolaan maayaan in aad saddexdaada wakhti cunto wakhtiga ay dadku cunaan.

Saddexdii sannadood ee ugu horaysay qof bani’aadam ah hadal ismaanaan waydaarsan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa maxbuus aanu jaar ahayni si xun u ooyey. Markii aan maqlay ayaan u dhawaaqay oo aan waydiiyey waxa ku dhacay. Wuxu ii sheegay in hooyadii geeriyootay. Waxan ku idhi nasiibkaaga adigaabay hooyadaa jannada kaaga soo dacwoon doontaa. Intaasi markii ay iga soo baxday ayaan is tusay  in kaftankaygii ii soo noqonayo.

Sannadkii 1995-kii ayaan la kulmay laba looyar oo qiimo badan. Waxan u sheegay wixii caddaynta la iiga dhigay in ay ahaayeen laba qori oo isku eg. Kadibna waxay u tageen hannaanka caddaaladda iyagoo yidhi rasaastii qoriga falka lagu gaystay iyo ta qoriga Anthony hooyadii aynu is barbar dhigno si loo ogaado waxa ay runtu tahay. Jawaabtoodii waxay noqotay mar rabno in aanu ku ciyaarno lacagta cashuur-bixiyaha. 16 sanno oo dambe ayay qolkaa madow igu sii hayeen. Xiddigaha maan arki jirin, dayaxana maan arki jirin.

Labadaydii looyar way ka hadhi waayeen arrinkaygii markii ay yaqiinsadeen in aanan caddaalad ku xidhnayn, ugu dambayntiina waxa dambigaygii meesha laga saaray 3-dii April 2015.  Waan u qaadan waayey ninkaygii 28 sanno xidhnaa in la igu yidhaa xor baad tahay. Markii aan dibedda u soo baxay waxan noqday sidii nin adduunyo kale soo galay. Wax badan oo cusub baan arkay. Waxa la ii sheegay in uu soo baxay aalad internet la yidhaa oo dadku wada isticmaalo.

Ayaan-darro, hooyaday way dhimatay . Waxase nool oo aad ii caawiyey nin aanu aad saaxiib u ahayn.

Markii aan xabsiga ka soo baxay waxan iibsaday sarriir aad u dheer si aan lugahayga ugu kala bixiyo, taas oo aanan muddo dheer fursad u helin. Ilaa maantadaa habeen walba lugahayga waan kala bixiyaa. Habeen kasta dibedda ayaan u baxaa si aan dayaxa iyo xiddigaha u soo arko, waan u xiisay. Sidoo kale mar kasta oo aan arko roob da’aya waan isku dhigaa. Goormaa iigu dambaysay roob igu tiixa?

Ilaa maanta raaligelin kamaan helin kuwii qoolka i geliyey. Kamana rabo raaligelin waayo waxan cafiyey muddo dheer ka hor aniga oo aan xabsiga ka soo bixin. Sababta aan u cafiyey may ahayn in ay hurdo wanaagsan seexdaan, laakiin waxan u cafiyey in aan anigu hurdo wanaagsan seexdo.”

Xigasho: The Guardian

Hoos ka akhri warbixin kale oo tan la mid ah oo uu sannad ka hor baahiyey Bandhige News

Qisada maxbuus 40 sanno xidhnaa oo la sii daayey iyo la-yaabka uu kala kulmay nolosha cusub