Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q6aad (WQ: Cabdiqaadir Askar)

 

Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha

Waqtigu wuxuu ahaa hillaac ordaaya. Maalmihii waxa ay noqdeen billo, bilihiina sannado, aniga oo weli la ashqaraarsan fal-safadaha yaabka badan ee aan dalka ku arkayey.

Weydiimaha kala duwan ee aan is-weydiinayey ma ay ahayn kuwa tiro yar. Marka aan mid jawaabteeda helona, waxa haddana igu soo maaxanaysay mid kale oo ka sii daran.

Maaweelo waxa ii ahayd akhriska wargeysyada dalka, oo aan si weyn u qaabeeyey, unna badelay fahanka aan ka qabay nidaamka dawladeed iyo qaab-dhismeedka bulsho ee Yugaandha.

Xasuusaha Aan Dhiman.

Waa horraantii 2011. Waxa aan ku taxnaa sheekooyin xiiso leh oo ay wargeysyada maxaliga ahi ka qori jireen xidhiidh jacayl oo dhexmaray Boqorkii Boqorrada Afrika, Muamar al Qaddaafi iyo Boqoraddii quruxleyda ahayd ee Boqortooyadda Tooro, Kemigisa.

Labada boqor, waa laysku sibir-saari jiray. Waxaana dhagta loo taagi jiray xilliga ay labada dal xidid noqonayaan. Gacalnimo aan dhaboobin, waqtiguna ka eexday, bal se labada dal isku soo dhawaysay. Darreeno kalgacal, oo ay Yugaandha ku faa’iiday in badan.

Fiid-hore oo roob tiix ahi qaaday, kunna beegnayd 18kii Maaj 2011, ayaan u mijo-baxsaday dhankii dhismaha Safaaradda Maraykanka ee Kambaala. Waxa aan u suuq doontay meherad ka soo horjeeday safaaradda, oo loo yaqaanay The Embassy Supermarket.

Intii aan dhex meeraysanayey meheradda, waxa aan is-barbar taagay daaqadda wargeysadda lagu gado. Indhahayga waxa soo jiitay sawir weyn oo u wargeyska caanka ah ee New Vision (Aragtidda Cusub), uu boggiisa hore ku daabacay.

Haa waa wargeyska dawladda oo aan si gaar ah u jecelaa. Sheekooyin xallad iyo xiisoba lehna qori jiray. Waxa si joogta ah looga daabaca 40,000 nuqul maalin kasta. Waa 36 bog, oo midabaysan. Mar marka qaarna gaadha 60 bog.

“Qaddaafigii Aan Aqaanay!” waa cinwaanka sawirka bogga hore ee wargeyska. Sawirku waa kii hoggaamiyaha Liibiya, oo maalmahaas hadal-hayntiistu badnayd. Waa isaga oo ku lebisan dhar dhaqmeedka Afrika, oo cagaaran. Muraayad weyn oo madow ayuuna gashanaa. Waxaana iiga muuqanayey san-taagnimadii uu caanka ku ahaa.

Maqaalka waxa qoray madaxweynaha Yugaadha, Yuweri Kagute Musaveni. Wuxuu ahaa maqaal si farshaxan ah loo curiyey, kunna soo beegmay xilli xasaasi ah, oo sheekooyin ku-tidhi-ku-teen ahi warbaahinta hadheeyeen.

Musevani, wuxuu ku bilaabay sheekaddiisa:

“Markii uu tallada qabsaday Gash. Muamar al Qaddaafi 1969kii, waxa aan ahaa arday ku jira fasalka saddexaad ee Jaamacadda Daarasalaam, Tansaaniya. Waan soo dhawaynay xukunkiisa, waayo wuxuu lahaa saan-saan la mid ah tii Jamaal Cabdi Naasir, kaas oo ku suntanaa wadaniyad iyo Carab-jacaylnimo.”

Weedho I yaab geliyey, oo si dhaw u iftiiminayey sida uu Musevani ula dhacsanaa hoggaaminta Qaddaafi. Laba hoggaamiye oo xukunka dalalkooda, dagaal ku qabsaday, xukunkana ku raagay.

“ Qaddaafi, waxa kasta oo gef ah oo lagu sheegaba, waa wadani dhab ah. Aniguna waa aan jecelahay ragga wadaniyiinta ah, ee aan u addeegin dawladaha shisheeye… Xornimaddii qofnimo ee uu lahaana waa ta dhistay Liibiya iyo Afrika oo idilba.”

Qoraalkaas, uu madaxweynuhu ku faahfaahiyey shaqsiyadda Qaddaafi, wuxuu sidoo kale kaga turjumayey maal-gelinta balaadhan ee uu ka geystay Yugaandha.

Marag- ma-doon ah waxa ah masaajidka uu Qaddaafi ugu deeqay Yugaaandha. Masaajidkaas, oo ah ka saddexaad ee ugu weyn Afrika. Waxa loo bixiyey Masaajidka Qaran ee Qaddaafi- astaan u taagan midaynta muslimiinta laga tiradda badan yahay ee Yugaadha.

Masaajidka marka aad dhex joogto waad ku indho-daraandaraysaa! Waa masaajid lagu faro-yaraystay, quruxdana la mid ah Masaajidka Nebiga (NNKH), ee Madiina. Irridda maarta laga sameeyey, gogosha xardhan, dhirta caggaaran ee lagu daday iyo minaaradda dheer ee magaalada ka dhex mudhay ayaad la mabsuudaysaa.

Masaajidka, waxa markiiba ku tukan kara dad ka badan 15,000 qof. Baaxadda uu ku fadhiyaa waa 5 hictaar, oo ku yaala buurta koowaad ee Kambaala [Old Kampala]. Waa goob taariikh ah, oo ah halkii ay ka asaasantay Kambaaladda maantu.

Jimcihii Qaddaafi la dilay, muslimiinta Yugaadha waxa ay u ahayd muruggo iyo tiiraanyo. Khudbaddii maalintaasna waxa ka buuxday cadho gaamurtay, oo loo qabay Reer Galbeedka. Aad baa loogu duceeyey Qaddaafi, waxaana loo tukaday Salaatul Jinaasa, aan ka qaybgalay.

Nasiib darro, qiiraddaas ma sii waarin. Waxaana dhab noqotay maahmaahdii Soomaaliyeed ee odhan jirtay,“Nin dhintay, kabihiisa ayaa dhaamma.” Durba magacii masaajidka waa la badalay, waxaana loo bixiyey Masaajidka Qaran ee Yugaandha.

Yeelkeed’e, Masaajidka Qaran ee Yugaandha, waa dhaxal aan duugoobayn oo ku suntanaan doona sooyaalkii waxqabad ee Qaddaafi.

La soco…

Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q5aad

Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q4aad

Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q3aad 

Daa’uuska Afrika- safarkaygii dheeraa! Q1aad iyo 2aad 

Milal dushii lama dhayo!

Cabdiqaadir Dayib Askar waa barre jaamacadeed oo takhsuskiisu  yahay Xidhiidhka Caalamiga Iyo Diblumaasiyadda.  Kala xidhiidh e-mailkiisaabdikadiraskar@gmail.com amma booqo degelkiisawww.siraskar.wordpress.com