Dhulgariir wayn ayaa ka dhacay badhtamaha Talyaaniga iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 37 qof, boqol iyo konton kalena la la’ yahay.
Dhulgariirka ayaa cabirkiisu yahay 6.2. Meeshii uu dhulgariirka ka dhacay ayaa u dhawayd magaalada Norcia oo u dhow Perugia.
Dhismayaal ayaa dumay, sidoo kalena waxa laโlaayahay dadan badan.
Duqa magaalada Amatrice ayaa sheegay in cod laga maqlayo burburka, iyadoo ay wali socoto samata bixinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha.
Gobolka Umbria, Lazio iyo Marche ayaa caan ku ah dalxiiska, waxaana jooga meesha dalxiisayaal badan waqtiga dalxiiska.
Waxa la filayaa in ay korodho dhimashadu iyadoo wali ay socoto samato bixinta dadka ku hoos jira dhismayaal badan oo burburay.