Murashaxii guul-daraystay ee doonayey in Jamhuurigu u sharaxaan madaxweynenimada Maraykanka, Ben Carson, isla markaana ah dhakhtar qalliin oo ka mid ah khabiirrada dunida ugu aqoonta badan caafimaadka maskaxda aadamaha, ayaa dhawaan baahiyey dardaaran uu dunida u jeedinayo ooย uu cinwaan uga dhigay:
ย “Nolosha aad saluugsan tahay dad baa haybsan kari la’.”
“Ilmaha yar ee beertooda dhex joogaa marka uu arko diyaarad dul maraysa wuxuu ku riyoodaaย haddii aad mar uun diyaarad duulin lahayd; bayloodka diyaaradda wadaana wuxuu hoos u soo eegaa gurigaa beerta ku dhex yaal wuxuuna ku riyoodaaย goormaad sida wiilkaa yar heli doontaa beer aad ku nasato kuna raaxaysato.ย Noloshu waa sidaas. Ku faraxsanoow noloshaada waxba yaanay nolol qof kale kuu hillaacin.
Haddii qaninimada iyo tujaanimadu ay farxad horseedayaanย waxaynu arki lahayn dadka maal-qabeenka ahย oo iyaga oo dhoola-caddaynaya dariiqyada ku ciyaaraya qoob-ka-ciyaar , laakiin carruurta reerahoodu saboolka yihiin oo kaliya ayaynu aragnaa iyaga oo faraxsan oo ku dhaansaya dariiqyada.
Haddii awoodda uu qof leeyahay ay amni u keenayso madaxdu waxay suuqa iska lugayn lahaayeen iyaga oo aan ilaalo wadan, laakiin dadka aan awoodda lahayn ee iska caadiga ah oo kaliya ayaa bilaa ilaalo meel walbaย taxtaxaasha.
Haddii quruxda iyo caanimadu ay kordhiyaan xidhiidhka aadamuhu kula yeelanayo, fannaaniinta iyo kuwa quruxda ku caan-baxay ayaa guurkoodu waari lahaa.
Ku faraxsanoow noloshaada waxba yaanay nolol kale kuu hillaacin. Ku noolow nolol iska caadi ah. Dhulka aayar soco, dadkana jacayl u muuji. Wax waloo aad u baahan tahay dib ayaad u heli doontaa.”
Ben Carson
Murashaxii Jamhuuriga kula tartamay Donald Trump