Ugu yaraan shan qof ayaa lagu toogtay iyo siddeed kalena way ku dhaawacmeen weerar rasaas ah oo lagu qaaday maddaarka Caalamiga ah ee magaalada Florida.
Xafiiska deb debiska Florida waxay xaqiijiyeen toogashada ka dhacday garoonka oo soo bandhigeen bartooda ay twitter-ka ku leeyihiin.
Weerarkan waxa fuliyey nin hubeysan oo xabadd ku furay goob laga daabulo alaabaha shirkadaha Air Canada iyo Delta Airlines.
Dad goob joagayaal ah ayaa sheegay in ninkani uu amusnaa, marka uu rasaasta furayay iyadoo dadku ay isku dayayeeen in ay halkaasi ka baxsadaan.
Ciidammada ammaanka ayaa waxaa ay rumeysan yihiin in ninka weeraraka fuliyay uu ahaa keligii, waxaana markii dambe la soo daad gureeyay rakaabkii ku xayirnaa gudaha garoonka diyaaradaha.
Ilaa iyo hadda ma kala cadda sababta ninkani uu weerarka u fuliyay iyo in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso.
Dadka dhaawacmay ayaa waxa loo daad-gureeyey dhakhtar si loogula tacaalo dhaawacyadda ay qabaan.
Maraykanka ayaa waxa caan ka noqotay in ay dadka oo loo ogol yahay hubku ay is rasaasayni ka dhacdo bulshada dhexdeeda.
Weerarkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo xiisadda Ruushka iyo Maraykanku tahay mid acakiran oo ay isku haystaan faro galin Ruushku ku sameeyey doorashada Maraykanka ee sannadkii hore.