Guddoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sanaag, Aniis Saalax, waxa lagu aasay magaalada Burco

????????????????????????????????????

 

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi masuulyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa magaalada Buco kaga qayb galay aas qaran oo loo samaayey Guddoomiyihii waxbarashada gobolka Sanaag oo shalay shil gaadhi ku geeriyooda.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo warbaahinta kula hadlay xabaashad dusheeda ayaa sheegay in Marxuun Aniis Saalax Xaaji Xasan uu ahaa Muwaadin hawl kar ah, kana soo qayb qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii gobolka Sanaag.

Maxamuud Xaashi ayaa yidhi:

“Waxa aynu nahay adoomo Illaahay dhamaanteenba waynu wada dhimanaynaa, waxa aynu maanta joognaa xabaashii marxuuum Aniis Saalax Xaaji Xasan, oo geeri naxdin lihi ku timid. Waxaan halkan ka tacsiyadaynaynaa qaraabadii, eheladii iyo asaxaabtii faraha badnayd ee uu Aniis lahaa, iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, gaar ahaana shacbiga gobolka Sanaag si gaar ah waxaan u tacsiyadaynayaa bahda waxbarashada ee uu ka mid ahaa Aniis, isagoo ahaa gudoomiyihii waxbarashada gobolka Sanaag.”

Wasiirka ayaa ka hadlay shaqsiyada marxuunka waxanau yidhi:

“Aniis Saalax Xaaji Xasan oo maanta inaga hooseeya, walaalkeen Illaahay waxa aynu ugu baryeynaa dambi dhaaf iyo inuu naxariistiisa ka waraabiyo, janada fardawsana uu galiyo. Aniis waa nin wayn oo qarankan qiimo ku leh oo caan ah, waxaanay ka muuqadataa maanta xabaashiisa sida loo yimid iyo bulshada kala duwan ee aaskiisa ka soo qayb gashay, Aniis waxa uu ahaa nin qarankan wax weyn ku leh, gaar ahaan gobolka Sanaag, nabadiisa iyo horumarkiisaba, midnimadiisa iyo wadajirkiisaba, dadkii ka soo qayb qaatay midayntii iyo nabadayntii bulshada gobolka Sanaag ayuu ka mid ahaa. Wuxuu ahaan jiray intii aanu noqon gudoomiyaha waxbarashada gobolka noqon Badhasaab ku xigeenka gobolka Sanaag ilaayo wakhtigii dalka lagu soo laabtay, ILAHAY Walaalkeen ha u naxariisto inaga Illaahay Khaatumo ha inoo wanaajiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

bandhige@gmail.ccom