50 dumar ah oo kufsi ku eedeeyey majaajileystaha caanka ah Bill Cosby

Bill Cosby waa 78 jir, wuxuna ka mid yahay majaajilaysteyaasha ugu caansan dunida, gaar ahaan Maraykanka. Wuxu ka soo jeedaa qoomiyadda madow ee Maraykanka wuxuna ku guulaystay ku dhawaad labaatan abaal-marinood oo kuwa ugu sarreeya dhinaca wax-jilista ah 50-kii sanno ee ugu dambeeyey.

Hase ahaatee sannadihii u dambeeyey wuxu la ciirciirayey eedaymo kufsi oo ay u soo jeediyeen 50 haween ah, kuwaas oo uu kufsaday sida lagu eedaynayo 50-kii sanno ee uu majaajileystaha ahaa.

Haweenka Bill Cosby soo eedeeyey waxay isugu jiraan noocyo kala duwan, waxayse u badan yihiin jileyaal, heesaa, haweenka quruxda xayaysiiya iyo qaar shaqaale u ahaan jiray.

Haweenay afartan jir ah ayaa iyaduna sheegtay in uu isagu si aan sharci ahayn u dhalay sannadihii 70-aadkii laakiin ay hooyadeed ku masabidday nin kale kadib markii uu lacag ku laaluushay isla markaana dammaanad qaaday kharashka ku baxaya nolosheeda iyo waxbarashadeeda.

50-kan haweenka ahi waxay ka siman yihiin qaabka ay sheegeen in uu u kufsaday. Waxay yidhaahdeen wuxu nagu casuumay casho, wuxu nasiiyey koob bun ah, wuxu ku daray daroogo dadka seexisa annaga oo aan arkayn, kadibna waxanu ku war helnay annaga oo aan dhar xidhnayn oo sarriir kula hurudna.

Barnaamijkii u dambeeyey ee arrintan ku saabsan oo loogu magac-daray  “A+E’s Cosby: The Women Speak” ayaa lagu soo bandhigay faahfaahino la xidhiidha sawirradii haweenka uu kufsaday, wakhtiyadii uu kala kufsaday iyo goobihii uu ku kufsaday.

Arrintan ayaa argagax ku abuurtay dadweynaha Maraykanka. Raggii ay asxaabta ahaayeen ee ay wada-shaqayn jireen Bill Cosby oo wax laga waydiiyey hab-dhaqankiisa waxay sheegeen in uu ahaa nin dhaqankiisa kale wanaagsan yahay laakiin aad u dumar jeclaa. Waxayse sheegeen in aanay waligood saaxiibkood ka filayn in uu ku kici karo fal-dambiyeed kufsi ah.

In kastoo aanay wali maxkaadi dambi ku caddayn, haddana aragti laga qaaday dadweynaha Maraykanka ayaa muujisay in markii tirada haween ah ee eedaynaysaa ay bateen ay dadku rumaysteen in Bill Cosby uu ahaa caadayste faro-xumeeya haweenka.

Haddii falalkan lagu helo, waxay galaafan doonaan dhaqaalaha, xorriyadda iyo sumcadda Cosby, wuxuna ku dambayn doonaa xabsi.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com