7 maxbuus oo budhcad-badeed ah ayaa xabsiga Hargeysa laga sii daayey, magacyadooda lama sheegin

 

Waxa xabsiga dhexe ee Hargeysa laga sii daayey 7 maxbuus oo budhcad-badeed ah oo dhammaystay xabsiyadii ay ku xukunaayeen. Sidaaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed subaxnimadan saaka ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Axmed Faarax Cadarre.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay maxaabiistan waxa laga soo wareejiyey waddanka Seychelles kadib markii ay Somaliland iyo Seychelles kala saxeexdeen heshiis dhigaya in maxaabiista lagu xukumo waddankaas ee Soomaalida ah lagu soo wareejiyo xabsiyada Somaliland si ay halkaa ugu dhammaystaan xukunkooda inta u dhiman iyadoo ay maxaabiistu sidaa dalbadeen maadaama ay Somaliland dhaqan ahaan iyo af ahaanba isku mid yihiin.

7-da maxbuus ayaan magacyadooda lagu sheegin war-saxaafadeedka waxase la tibaaxay in ay ku xukunaayeen midkiiba 10 sanno, waxaana la sii kala daayey laba jeer isla bishii saddexaad ee sannadkan gudihiisa.  3 ka mid ah maxaabiistani waxay ka soo jeedaan Puntland halka 4 kalena ay ka soo jeedaan Soomaaliya-da kale.

Maxaabiis aanaan tiradooda sugi karayn oo isugu jira budhcad-badeed iyo argagixiso oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa wali ku jira xabsiyada Somaliland.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka wasiirka oo dhammaysitran: