Saddexdii maalmood ee u dambeeyey ayaa waxa ku dhintay badda medhatareeniyanka dad lagu qiyaasay ilaa 700 oo muhaajiriin ah oo u socday dhinaca Yurub. Dadkan ayaa waxay ku qaraqmeen badweynta Medhatareeniyanka, sidaasna waxa sheegay Qaramada Midoobay.
Afhayeenka Hayโadda Qaxoontiga adduunka Carlotta Sami, ayaa sheegtay in doonyuhu ku degeen koonfurta Talyaaniga Arbacadii, Khamiistii iyo Jimcihii toddobaadkii tagay, waxayna qaxootigu isku dayayeen in ay Yurub ku galaan doonyo aan badda ka gudbi karin.
Mid ka mid ah doonyaha badda ku dagay ayey kaameradu qabatay iyadoo markab Talyaanigu leeyahay uu badbaadiyay badi rakaabka.
Tiro lagu qiyaasay boqol ruux oo saarnaa markabka, ayaa la la’yahay.