Musuqmaasuq ka jira goobaha imtixaanaadka (WQ: Cabdi Caawiye)

Waa wax lala yaabo ah in Wasiirka Waxbarashada jamhuuriyadda Somaliland uu waayadan danbe soo saarayo go’aano aan laga fiirsan oo uu iska yidhaahdo intuu warbaahinta iska hor fadhiisto. Waxa amakaag noqotay in aanu wasiirku haba yaraatee eegin go’aanka uu gaadhayo arrimaha ku xeeran, waxaa  laga yaabaa in go’aanka uu isleeyahay waxbuu tarayaa in uu waxyeelo intii hore ka weyn uu gaadhsiiyo bulshada.

Wasiirka hadda talada wasaaarada waxbarashada hayaa wuxuu inta badan go’aamadiisa ugu badan ku fuliyaa Dugsiyada gaarka ah (private schools) isagoo isleh waxbaad u qaban kartaa Dugsiyada dawliga ah.

Meesha keliya ee maanta waxbarashadii ummaddeena kor u qaaday waa dugsiyada gaarka loo leeyahay oo galay halkii wasaaradaha waxbarashada dadaalka iyo manhajka oo la tayeeyo, tusaale ahaan waa wax aan sida dayaxa u qarsoomi karin ah in dugsiyada gaarka loo leeyahay qaar ka mid ahi ay diyaariyeen manhajka Ingiriisiga dugsiyada hoose (Primary curriculum English) oo ay wasaaradu samayn kari weydey, waxaanaa sameeyey oo ku dhiiraday lacag badan iyo waqti badana u hurey Dugsiga Noradin oo qayb ka ah dugsiyada noloshii waxbarashada ardeyda reer somaliland boodhka ka tumey.

Imtixaanaadka iyo qaladaadka aan dhamaaneyn

 

Waa wax aan la suureyn karin ah in ardeydii foorartay inka badan 6 billood si ay natiijo fiican u keenaan imtixaanadii laga soo qaaday su’aalo aan kuba jirin manhajka (without curriculum) halkee ayaa uu ardeygu kasoo kabayaa ama ka helayaa in uu ka jawaabo.

Ardeydii waxa ku dhacday niyad jab iyo in ay iskaba daayaan imtixaanka. Waxa iyana wax laga murugoodo ah imtixaanada ardeyda loo ogolaaday in ay qishaan ama ay isticmaalan baraha bulshada kuwada xidhiidho (Social Media) sida:

  1. WHATSAPP
  2. SMS
  3. VIBER
  4. FACEBOOK

Kuwani waa baraha bulshadu ku kulmaan iyagoon is ag joogin waana mid loo ogolaaday ardeydeenii waxaana ugu wacan xafiiska imtixaanaadka iyo maamulada ku qoran ilaalada.

miyaaney layaab ahayn Macalin ardeydii ku yidhi:

“Aan idinka sii daayee (qishka idiin ogolaadee) i af garta macnaha lacag i siiya.”

Bal ka warama halka aynu marayno ama aynu carruurteenii waxbarashadoodii dhigney waxay halis ugu jiraan ama ay isu diyaarinayaan in ay cadaalad daradan ka hayaamaan oo ay Yurubna galaan.

Bal ka waran Maamule aan shahaadaba haysan oo bilaa aqoona hadana dadkii aqoonta lahaa la murmaaya .

Bal ka waran Macalin tuuga oo ilaaladii iyo aayahii carruurtoodo ku iibineysa lacag yar.

Bal ka waran Kormeere tuuga iwm

Waar wasiirkan iyo inta imtixaanaadka ka shaqaysay masuuliyadii la idiin direy waad iibsateene Alle ka baqa.

 

Qalinkii Cabdi Caawiye           0634115877