Dunidan aynu ku nool nahay waxa ay soo martay marxalado aad u kala gadisan, midkastaana waxa uu watay waayahiisa, arrinkasta oo dhacana waxaa jirtay qaab iyo xeelad lagu maarayn jiray, laguna xalin jiray.
Intii adduunku jirayba wuu jiray jacaylku marnaba Aadanaha qalbigiisa kama bixin waxa loo yaqaano jacaylku, waxaba la odhan karaa waxa uu la kowsaday Dunida, iyada oo ay bilaabeen Aabaheen Aadam iyo Hooyadeen Xaawa, kuwaasi oo ahaa lamaanihii ugu horeeyay Illaahay keenay Dunidan, udub dhexaadkana u ahaa.
Marka aan ka hadlayno jacayl waxa aan uga jeedaa waxa ay Soomaalidu u taqaana caashaqa ama jacaylka ka dhex dhasha laba qof, sida Nin iyo Gabadh, kuwaasi oo ku balama in ay is guursadaan, kalgacal iyo jacayl dhex maray awgood.
Hadii aan jacayl jirin
Jaar lama ahaadeen
Hadii aan jacayl jirin
Jagi lama cayareen
Hadii aan jacayl jirin
Aduunyadu ma joogteen
Ragga Soomaalidu waxa ay wakhtiyadii hore uu dhoofi jireen wadamada Carabta qaar ka mida, waxaana dhacaysay in Ninku inta uu Gabadh kula heshiiyo guur uu ka maqnaan jiray sannado badan, sida laba sanno ilaa afar sanno, gabadhuna ay sugu jirtay oo aanay marnaba shaki ka qabi jirin in uu balantii ama wacadkii ay ku heshiyeen ee guurka uu kaga baxo, ninkuna sidaa si leeg ayaa ku niyad samaa gabadhaasi in aanay marnaba nin kale ka raaci doonin.
Haddii aynu wax yar ka tilmaano qaabkii iyo farsamooyinkii ay adeegsan jireen dadkaasi marka ay doonayaan in ay wada xidhiidhaan, faraq wayn ayaa u dhaxeeyay kan maanta, waxaanay ahaayeen kaaf iyo kala dheeri.
Waxa jiray waayadii hore waxyaabo badan oo caqabad ku ahaa dadka is jecel ee dhoofka ku kala maqan, waxa kaliya oo lagu wada xidhiidhi jiray waxa ay ahayd warqad qof loo soo dhiibo ama in qof imanaya fariin Afka laga soo faro iyo in boosta warqado kooban la isu soo dhigo, haddiiba ay jirtay boos si fiican u shaqaysaa.
Waxyaabaha aadka loola yaabo ama cajiibka ah waxa ka mid ahaa in labadaasi qof ee balanta guurku ka dhaxaysaa ay warqadaha kale heli jireen ugu yaraan halkii sannaba mar ama ka badan, taasi waxa ay ku tusinaysaa niyad samaanta iyo is aaminku wakhtiyadaasi inta uu leekaa iyo duurufaha war isgaadhsiinta oo aan u jirin sida maanta.
Sida runta ah markasta qofka dhoofka ku maqani wakhtiyadaasi hore waxa uu ahaa ninka, haddaba marka uu rabo in uu warqad u soo diro gacaladiisi dalka joogtay, waxa dhici jirtay in warqadaasi loo soo dhiibi jiray nin waddankii imanaaya, kaasi oo waliba ay dhici jirtay in uu markab soo raaco, kadibna soo dhaxo muddo badan, ninkaasi oo lagu magacabi jirayย Janaale soo degay.
Waxa kale oo iyana dhici jirtay in warqada jacaylka ah ee uu ninku soo qoray ay soo gaadhi jirtay gabadha muddo aad u badan kadib, balse layaabka kale waxa uu ahaa in gabadhu jawaabta ay celinayso ay la sugto ninkan Janaalaha ahi xiliga uu noqonayo, taasi oo dhiciba karta in ay qaadato muddo dhawr bilood ah.
Waxyaabaha kale ee aan xasuusto waxa ka mid ah, in ay dhacdo in magaalo dhan warqadaheedii loo soo dhiibo hal nin oo Janaale ah oo waddanka imanaya, kadibna ay ku qaadato in qofkasta warqadiisii uu ugu geeyo meeshuu joogay xataa hadday tahay Miyiga (baadiyaha).
Waxa kale oo jirtay in labada qof ee balanta guurku ka dhaxaysaa midkastaba uu lahaa hal saaxiib, hadduu u batana uu lahaa laba saaxiib, waayo saaxiibka faraha badani waxa uu qayb ka qaataa dhibaatada iyo isku dirka labada qof ee balanta guurku u taalo.
Waxa kale oo caqabad jirta ahayd inta badan in labada qof ee warqadaha Jacayka isu qorayaa midkoodna aanu aqoon u lahayn luqada ay warqadu ku qoran tahay, taasi oo keeni jirtay in markasta warqadaha lala raadsado cid akhrin karta, haddana iyada oo sidaas ah, waa ay yarayd in labada qof ay sirtoodu baxdo.
Waxa kale oo layaab lahaa in mararka qaar aan warqadba la isu qori jirin, balse qofkastaaba uu fariin soo fari jiray qofka halka uu joogo ka imanaya, sidaasina ay wararka ku kala heli jireen.
Waxa dhici jirtay mararka qaar in warqadaha la isu diraayo ay kasoo bixi jireen hadalo deel qaaf iyo meel ka dhac ku ah balantii iyo guurkii lagu heshiiyay, taasna waxa sabab u ahaa dadka warqadaha qoraya oo ka faa’iidaysan jiray aqoondarada labada qof, kadibna xaasid ku noqon jiray una kala gudbin jiray fariimo qaldan.
Si looga badbaado turjumaanka xaasidka ah, ayaa waxa baryahii danbe loo badalay, in Ninka iyo Gabadhu ay fariimaha isugu diraan cajalad, iyada oo ay isticmaali jireen inta aan xasuusto, Rikoodkii la odhan jireay Badhan Casaha kaasi oo qayb libaax ka qaatay isfahankii labada qof.
Waxa iyaguna Magaalooyinka kusoo batay dukaamo iibinaya Cajaladaha wax lagu duubo, wakhtiyadii danbana waxaba jirtay in Hargaysa laga furay goob ganacsi oo la odhan jiray Cilmi Boodhari Stiirow, kaasi oo lahaa qolal yaryar oo loogu tala galay in ay fadhiistaan dadka cajaladaha dadkoodii u diraaya, iyada oo loo diyaarin jiray Rikoodhkii iyo Cajaladiiba.
Balse isku soo wada duuboo haddana waxa dhacaysay in balantii iyo wacadkii guurka ee ay wada galeen labadaasi qof ay adkayd in midkoodna uu kan kale kaga baxo ama uu khiyaamo ku sameeyo wakhtigaasi.
Waxa aan xasuustaa warqadaha ay labada qof isu qorayaan wakhtiyadaasi waxa astaan u ahaan jirtay Wadne aad u wayn oo falaadhi ay dhexda ka qotonto. waxa kaloo ka mid ahaa heesahoo warqadaha la isugu soo qori jiray:-
Adiga Hud hudyaw , hawada lalayee
haweeya hadal , mayga gaadh siin
Maryama muxiboy , Madheedhka awaare
Midhihii ka bislaaday baad tahay
Balan’baalis qalimale , Hadba laan ka booda , adna ii bidhaantaa
Maanta iyo jacaylka
Wakhtiga maanta aynu ku jirno waxa aad mooda in uu Jacaylku ka gadisan yahay isla markaana uu ka meeqaan liito jacaylkii wakhtiyadii hore, iyada oo haddana ay maanta jiraan waxyaabo badan oo aan is odhan karo waxa ay fudaydinayaan is aaminka iyo iska warhaynta labada qof.
Maanta labada qof ee balan guur ay dhex taala waddankana ku kala maqani waa ay adag tahay in ay hal maalin ama sida dhallinyarada qaar saacad-sacad, daqiiqad-daaqiqad la isaga war hayo, iyada oo la haysto dhammaan aaladihii sahlayey waxaasi oo dhan sida Facebook, Viber, WhatApp, intaasi waxaaba kasii daran iyada oo ay dhacayso in labadii qof ay si toos ah u wada sheekaysan karaan iyaga oo is arkaya isna hor fadhiya.
Sida aynu kor kusoo sheegnay dadkii wakhtiyadii hore mucaashaqiinta ahaa warqadaha ay isu qorayaan waxa ku sawirnaan jiray oo kaliya hal wadne oo falaadhina ay dhexda kaga taalo. balse dhallinta maanta waxa ay iyagu haystaan waxyaabo aad fara badan oo ay u adeegsadaan soo jiidashada iyo jamashada jacaylkooda sida aad ku arkayso aaladaha casriga ee la adeegsado.
Hadaba iyada oo ay waxaasi oo dhami jiraan ayaa haddana wakhtigan xaadirka waxaa badan oo si joogta ah markasta u dhacaya kala shaki ku abuurma labadii qof ee balanta guurku ka dhaxaysay.
Waxa aad wakhti kasta oo Allah keenaba maqlaysaa isla markaana aad arkaysaa dad xidhiidh guur oo fiican uu ka dhaxeeyay haddana si sahala ku kala tagaaya kuna kal noqday.
Waxa iyana qayb wayn ka qaata kala shakiga degdegaa ee dhallinta maanta iyada oo qofkastaaba uu leeyahay saaxiibo aad u fara badan oo mararka qaar aad is odhanayso malaha qofkiiba waxa uu saaxiib la yahay ugu yaraan 20 qof iyo in ka badan, taasi oo iyana dhaawac wayn ku noqon karta xidhiidhka labada qof ee kala maqan ee haddana wada jooga.
Haddii aad u kuurgasho sababaha keenaya in ay si sahlan ku kala tagaan, kuna baabiyaan balantii iyo wacadkii ay dhigteen, waxa ay midkastaaba uu kuu sheegayaa in ka kale uu ka qaban waayay talafoonka,Viberka iwm.
Taasi waxaaba kasii daran oo iyaduna qayb wayn ka qaadata kala taga labada qof arrimo aad u sahlan oo ay ka mid yihiin, in midiba midkala kale uu ku eedaynaayo in uu xidhiidh la leeyahay qof kale, haddii aad waydiiso in uu arrintaasi wax cadayna u hayana, waxa uu ku odhanaya haa, waxa aan arkay iyada ama isaga oo Facebook ka like garaynaya qofkale ama Commenti ka bixinaya barnaamij uu qofkale leeyahay.
Waxa iyana la odhan karaa waxa qayb wayn ka ah mushkiladahan aynu kasoo sheekaynay ee dhallinta maanta, iyada oo la iska barto la iskana caashaqo aalada Internedka, muddo yar ka bacdina si fudud loo kala noqdo.
Haddiiba ay jirto in halku dhig iyo heeso la isu mariyo hawada heesahaasi laftoodu maahan kuwo xigmad caynkaasi ah ku fadhiya, bal aynu waxyar kasoo qadano heesaha sanadka:-
Waa dhamac jacay
nafta dhawacoo
ani dhawacoo
dhalan rogay jidhkee
Dhuuxiyo qalbiga
I dhex qaadayoo
Wadnahay dhaglee Dhag-dhag
Bal haddaba akhriste waxa aad is waydiisaa wakhtiyadaasi hore ee aynu kasoo sheekaynay xataa labada qof ee balanta jacaylku ka dhaxaysaa ma aysan haysan wax dhaqaale ah, waana ta kalifaysay in uu ninkuu tacabiro ama uu tahriibo, sababta kaliya ee tahriibka ku kalifaysayna waxa ay ahayd guurka iyo gabadhaa uu balanta u qaaday sidii uu u guursan lahaa guri iyo gaboodna ugu samayn lahaa.
Balse maanta iyada oo ay dhici karto in mararka qaar ay si sahlanba lagu heli karo dhaqalaha labada qof ay isku guursadaan, ayaa haddana waxa jira kala shaki iyo isfahan waa aad u badan oo dhex yaala dhallinta maanta.
Halkee ayay sartu ka qudhuntay, halkee ayay wax ka si yihiin, ma aaladahan casriga ee inagu soo biiray ayaa mushkilada wata mise inaga ayaan uga faa’iidaysan sidii saxa ahayd.
Xalka waxa aan u arkaa, ha loo noqdo ku dhaqanka Diinteena suuban iyo Dhaqankeena kiisa wanaagsan.
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen khadar Ibraahim Aar