Xukuumadda waxay kulan la yeelatay ganacsatada, una sharaxday heshiiska dekedda Berbera

Kulan balaadhan oo ku tirsan ka dhaadhicinta muwaadiniinta heshiiska dhaxmaray Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada maanta oo ay taariikhdu tahay 29.05.2016.

Kulankan waxa uu isu keenay markii ugu horaysay haldoorka ganacsatada dalka oo ilaa dhawr iyo labaatan ahayd iyo xubnaha guddiga wasiirada ee qaybta ka ahaa heshiiskii dhexmaray labada dhinac ee imaaraadka iyo Somaliland.

Ugu horeyn waxa halkaasi ereyo uu ku caddeynayo ujeedada kulanka ka soo jeediyey wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, waxanu ku bilaabay, soo dhawayn ka dib, โ€œwaxan idiinku yeedhnay inaan faahfaahin idinka siinno, haddii aad tihiin ganacsatadii dalka, heshiiska inna dhexmaray Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxanan is nidhi intii ay hadallo lagayaabo inaanay sax ahayn ay ka maqliย  lahaayeen meelahaasi, xogta heshiiskaasi ha ka helaan afka odayaasha (Min afwaahil mashaaโ€™iikh).

Intaa ka dib, waxa uu hadalkii ku wareejiyey wasiirka khaarijiga, Dr Sacad Cali Shire, oo isaguna si nuxur leh uga hadlay heshiiskaasi.

Waxa uu ka sheekeeyey taariikhda dekedda Berbera, iyo sida Ruushka iyo Maraykanku ugu kala dambeeyeen dhismeheeda muddo laga joogo dhawr iyo afartanย  sano, iyo dhawr iyo soddan sano, iyagoo lahaa labaduba ujeeddo milateri.

Wasiir sacad oo ah ninka saxeexay heshiiska, isagoo ka mid ahaa wefdigii madaxweynaha ee heshiiska magac dawladda iyo ka ummadda ku soo galay, ayaa tibaaxay, in heshiiskan hadda hordhac ahaan loo sexeexay, imikana in si rasmiya, isagoo faah-faahsan loo saxeexo ay gacanta ku hayaan garyaqaanno caalami ah oo ay dirsatay Somaliland.

Isagoo arrintaasi ka hadlaya, waxa ka mid ahaa weedhihiisi:

โ€Waxan garyaqaanada u diranay in la qoro heshiis aan marnaba laynagaga gacan sarreyn, laynagu degin odhaahyada ku qoran, oo ku salaysan shuruc caalamku isla yaqaanno, oo hadhow haddii khilaaf yimaaddana lagu saleeyo shuruucda. Maxaa lagu heshiiyey IWM. Waana gartaqaano caalamiya.โ€

Wasiirka khaarajigu , wuxu xisaab ahaan u sharxay inaan shirkadda DP World ee reer Dubai aanay innaga badsanayn faaโ€™iidada laga helayo shaqada dekedda ee lagu heshiiyey. Waxanu midh- midh u tiriyey faaiidooyinka dal ahaan iyo dad ahaanba ugu jira Somaliland heshiiskaasi.

Hadal taabtay ganacsatada kulanka ka qaybgashay oo wasiirka khaarajigu yidhi ayaa ahaa:

โ€œWaxaan kala hadalnay DP World dhismaha jidka isku xidha Berbera iyo Togwajaale, waxanay reer Imaaraad noo sheegeen inay fahansan yihiin in ceelka laga cabbo ee loo arooraa ย haddii aanu lahayn jid loo maro ay dhibtahay in biyo la cabbo la helo, annagoo taasi garawsanna waxa naga goโ€™an meel aan ka keennaba in aan hantida lagu maalgeliyo jidkaasi aan keenno.โ€

Wasiirka madaxtooyada, Maxamed Xaashi, ayaa ku dheeraaday inaan la sii eegaynkarin in dekeda Berbera sidan hadda ay tahay oo ah dhismeheedii hore ay sii ahaato, goor dekedihii mandaqadda ee ay iyagu ka horreysay, kana caansanayd loo arrimiyey, lana tayeynayo.

Isagoo arrintaasi faah-faahinayana, waxa uu yidhi:

โ€œDekeddaha Jidda Salaala, Jabuuti, Casab iyo kuwa ku yaalla dhulkii aynu somaliya isku ahaynba waa dekedo aynu rabno in Berbera ay la tartanto, markaa haddii iyaga la horumariyo, Berberina sideedii hore ahaato, sow laga guuri mayo teenna.โ€

Wasiir Maxamuud wuxu iftiimiyey in cadowgeennu ka dhirfay heshiiskaa aynu la galnay Imaaraadka. Wax kasta oo ay qaban karaana si ay u dhiciseeyaanno ay isku deyayaan.

Intaa kadib, waxa suโ€™aalo la xidhiidha heshiiskaas soo daayey ganacsatada, suโ€™aalahaasi oo tiro badnaa kagana shaki baxayaan heshiiskaasi. Shaki baxaasi oo ah ujeeddada kulankaba loo qabtay.

Xubnaha wasiirada ah ee Suโ€™aalaha ganacsatada ka jawaabayey waxa ka mid ahayd Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyada, waxana ka mid ahaa hadaladeeda:

โ€œAnigu shakigiinan oo kale ayaan qabay, suโ€™aalahan aad na waydiiseen oo kale ayaan is waydiinayey, anigoo weftiga madaxweynaha ee Dubai ku biiray labadii maalmood ee ugu danbeeyey ee heshiiska. Waxan ka dib la sheekaystay garyaqaan ka mid ah kuwa inoo shaqaynaya ee dhinaceena qareenada u ah.โ€

Suโ€™aal kasta oo aan waydiiyeyna oo la xidhiidha heshiiskana wuu iga qanciyey. Sidaa awgeed waxan idinku dejinayaa in labadan dhinac ee heshiiska wada halay ka faaโ€™iideen haddii dhinac badsanayana ay tahay inaga.

Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) wasiirka qorshaynta qaranka oo ka mid ah guddida wasiirada ee heshiiska dekeda, kana mid ahaa weftigii madaxweynaha ee heshiiska soo galay ayaa dhextaal ahaan hadalada ugu darsanayey, isagoo marna suโ€™aalihii ganacsatada ka jawaabayey, marna xoojinayey jawaabaha wasiirada kale, nuxurka hadalkiisuna ahaa in faaโ€™iido laga kasbanayo heshiiskan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo ka mida guddida xukuumada ee heshiiska, ayaa isaguna raaciyey sida ganacsiga, ganacsatada, maalgashiga dalka, iyo dhaqaalahaba uu u kobcinayo heshiiskani.

Kulankan ayaa noqday mid ku dhamaaday is afgarad iyagoo xubno ku hadlaayey afka ganacsatadu ay halkaa ka cadeeyeen inay heshiiska soo dhawaynayaan kuan farxeen isla markaana taageeri doonaan sidii uu u dhaqan geli lahaa.

bandhige@gmail.com