75 arday oo ka qalinjebiyey waxbarashada heerka labaad ee xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda

75 arday ayaa maanta ka qalinjebiyey mac-hadka xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda iyagoo la guddoonsiiyey heerka labaad ee jaamacadda.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa maanta xafladda qalinjebinta kaga qayb-galay jaamacadda Hargeysa. Waxa isaguna ka qayb-galay Wasiirka Waxbarashada oo ka mid ahaa ardayda qalinjebinaysa, kaas oo sheegay in aan marnaba laga gaboobin waxbarashada.

Xafladdan oo ahayd mid aad loo agaasimay waxa kale oo ka qayb-galay  guddoomiyaha xisbul-xaakimka ahna murashaxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Shire iyo masuuliyiin tiro badan oo kale.

Hoos ka daawo muuqaalka xafladda sidii ay wax u dhaceen.