Golaha Guurtida oo ansixiyey xeerka kala-xadaynta laamaha dawladda

Xeerka kala-xalaynta laamaha dawladda oo ay marar badan dhacdo in ay laamaha dawladdu isku qabsadaan shaqooyinka oo uu mid waliba mid kale yidhaahdo wuxuu gacanta ku hayaaย shaqadii wasaaradaydu xaqa u lahayd ayaa waxay shalay Golaha Guurtida ansixiyeen xeer kala-xadaynta laamaha dawladda oo ay u soo gudbiyeen Golaha Baarlamaanku.

Xeerkan waxa sharaxaad ka bixiyey Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali oo sheegay in xeerkani yahay xeerkii kala-xadaynta laamaha dawladah, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œXeerka kala-xadaynta laamaha dawladda Goluhu waxa uu haystay muddo laba bilood ah oo ay kaga bogan karaan akhriskiisa, runta ahaantiina xeerku wuu ka duwan yahay xeerarkii hore, oo waa xeerkii ay xukuumadduba ku shaqayn lahaydย  oo hayโ€™adaha xukuumada ayuu kala xadaynayaa mana ah xeer wax kale khuseeya, waxaanan soo jeedin lahaa in sida ay golaha wakiiladu inoogu soo gudbiyeen aan ku ansixino.โ€

Fadhigan oo u Guddoominayey Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa mudanayaashu ku ansixiyeen xeerka kala-xadaynta laamaha dawladda sidii ay Golaha Baarlamaanka ugu soo gudbiyeen, kaas oo aanay wax ka badal ku samaynin.

Xeerkan ayaa waxa uu wax badan ka tari doonaa muranada ka dhex dhaso laamaha dawladda ee kala duwan, inkastoo lagu sugayo Madaxweynaha dhaqan galkiisa.

bandhige@gmail.com