Ruushka Iyo Poland oo bisad isku haysta

Shalay BBC-du waxa ay werisay dhacdo xiiso leh oo ku tusaysa sida ay Ruushka iyo Poland u noqdeen bisad iyo jiir oo kale iyagoo wax walba looga baqayo in ay isku qabsadaan.

Ruushka ayaa dalkooda ka eryey nin suxufi ah oo Polish ah, waxaanay Ruushku ku jees jeeseen inay xanaaneyn doonin bisaddiisa Marusia.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa farriin loo diray bisaddaasi ugu bushareyey in aanay werwerin isla markaana in la xanaanayn doono.

Waxaa dhankiisa aad uga cadhooday ninkii weriyaha ahaa ee bisaddan lahaa Waclaw Radziwinowicz  kaas oo BBC-da u sheegay in aanu fahmin waxa ay Ruushku uga jeedaan eryadan.

Ruushka iyo Poland ayaa waxaa ka dhaxeeya xifaaltan siyasadeed oo meelo badan gala sida bisaddan oo kale.

Xigasho: bbcsomali