Madaxweynihii dalka Gabon Cali Cumar Bongo, ayaa xukunka lagaga tuuray inqilaab milatarigu sameeyay, ka dib 14 sano sano oo uu xilka hayey.

Milatariga, ayaa laalay natiijada doorashadii toddobaadkan dhacday, waxaana ay kala direen hayโ€™addihii dawladda.

Cali ayaa xukunka ka dhaxlay aabihii Cumar Bongo sanadkii 2009 markii uu geeriyooday, kaasoo isna xilka qabsaday 1967.

Afgambigaan ayaa waxaa uu soo afjarayaa 55sano oo talada dalkaasi ay maamuleysay dowladdaasi.