Dagaalka ka socda wadanka Ukraine ayaa waji cusub yeeshay ka dib markii dawlada Ruushku hanjabaadii ugu cuslayd u dirtay waddamada reer galbeedka isla markaana cadaysay in wadankoodu sharci u haysto talaabo kasta oo uu qaado.

Goโ€™aanka dawlada Ruushka ayaa soo baxay ka dib markii xukuumada Ukraine ay sheegtay in wadamada reer galvbeedku ogolaansho u siiyeen inay weeraraan Jamhuuriyada Kirimiya oo Ruushku u arko qayb dhulkooda ka tirsan.

Madaxweynihii hore ee dalka Ruushka ahna ku xigeenka golaha ammaanka ayaa ku hanjabay talaabo adag oo dawlada Ruushku ka qaadan doonto gashaan buurta NATO iyo wadamada reer galbeedka dagaalkii sadexaad ee aduunkuna bilaabmi doono.

Dmitry Medvedev ayaa talaabadii ugu danbaysay noqon doonto haddii Ukraine weerarto Jamhuuriyada Kirimiya, qorshan oo reer galbeedku ka danbeeyo ayaa noqon doonta mid dunida rogmasho u horseedi doonta ayuu yidhi Medvedev.

Waxaanu ku hanjabay in Ruushku Nugliyeer isticmaali doono.