Sarkaalkii Qaramada Midoobay iyo wixi xanuunjiyay ee ay ku soo aragtay Qasa

Ciidamada difaaca Israaโ€™iil ee loosoo gaabiyo IDF, ayaa sheegay in ay heleen โ€œwarbixinno ku saabsan dhacdo ka dhacday xerada qaxootiga ee Maghaziโ€.

Ms Connell ayaa sidoo kale sheegtay in xilliga ay booqaneysay Al-Aqsa โ€œay jireen duqeymo cusub oo dhanka cirka ah oo lagu garaacay goobo ku dhow isbitaalka oo ku yaalla aagga dhexe iyo dhaawacyo cusub oo la keenayโ€.

โ€œNasiib daro waxaan arkay wiil sagaal jir ah oo madaxa ka dhaawacmey oo dhintay,โ€ ayay raacisay.

Dagaalku wuxuu billowday 7-dii Oktoobar kadib markii Xamaas ay hoggaamisay weerar lagu waxyeello geystay oo lagu qaaday gudaha Israaโ€™iil, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, oo u badnaa rayid, ayna qafaasheen ilaa 240 oo la haystayaal ah. Israaโ€™iil wax ay sheegtay in weli 132 ruux ay Xamaas ka heysato.

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay Isniintii in ilaa 20,674 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha Israaโ€™iill tan iyo xilligaas. Inta badan dadka dhintay ayaa la sheegay in ay isugu jiraan caruur iyo haween.

Warbaahinta Israaโ€™iil iyo Carabta ayaa sheegaya in Masar ay soo jeedisay qorshe xabbad joojin ah oo ay labada dhinac ay dhex dhigaan.

Sida ay wararku sheegayaan qorshuhu wuxuu noqon doonaa in si toos ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha Israaโ€™iiliyiinta iyo tiro aan la cayimin oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku jira jeelasha Israaโ€™iil, taasoo ku dhammaan doonta hakinta duullaanka Israaโ€™iil.

Heshiis xabbad joojin ah oo hore oo ay Qadar garwadeen uga noqotay ayaa horseeday la haystayaal laga sii daayay Qasa oo lagu beddelay maxaabiis falastiiniyiin ah.

 

Xigasho:Wargeyska Dawan

Bandhige@gmail.com