Wakhtiyada qaarkood waxa laga yaabaa adigoo ku sugan goobaha shaqada oo furayaal tirobadan oo isku wada eeg lagu isticmaalo, laakiin haddana mid kastaaba uu furo xafiis gaar ah inaad u baahato inaad futro mid ka ah xafiisyada.

Waxaana khasab kugu noqonaysa inaad furayaasha isku xidhan mid mid u tijaabiso si aad u hesho furaha albaabka aad joogto. Mararka qaar markaad furayaasha wada baadho kan aad u baahantahay wuxuu noqon karaa kan ugu dambeeya wakhtigaasi oo aad quusba taagnayd. Arintaas oo kale marna ma la kulantay?

Ujeedadu waa inagu waxaynu isku deynaa, mashaakilkeena oo dhan in aynu muftaax qudha ku tijaabino si aynu markaasi xal u gaadhno. Muftaaxaa qudhihi markuu xal keeni waayana waxa inagu siyaada murugada, xal kalena ma raadino.

Hadaba maxaa inoo diidaya in aynu kolba fure ku tijaabino. Waad helaysaa sida aad alaabka furihiisaba u heshay.

Hadaba farqiga u dhexeeya albaabka iyo mushkilada ayaa wuxuu yahay, albaab kasta muftaax qudha ayaa fura, laakiin mushkilad kasta waxa fura mafaatiix aad tiro badan ee akhriste haday arin kadis ahi kula soo deristo markaaba ha dhakafaarine baadh oo raadi Mutfaaxa iyo furaha gaarka u ah mushkiladaasi.

 

Wargeyska Dawan

Bandhige@gmail.com